Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Xalay Wacdaro Ka Dhigay Magaalada Gabiley + Daawo

0
2818

Gabiley, (HargeisaPress) —Kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska ayaa xalay Magaalada Gabiley ku qabtey bandhig qurux badan oo loogu tala galay furitaanka BOOKH HOTEL, Hoteel Casriya oo todobadkii hore Si Rasmiya Xadhiga Looga Jaray Bookh Hotel Supermarket Cafeteria Fuel station Oo ah Kii Ugu Horeeyay Ee noociisa ah ee gobolka laga furo.

bandhigan oo ay daawashadiisa ka qayb galeen  kumanaan  qof oo dhallinyaro u badan, kuwaasi oo buuxiyey Masraxa.

Masraxa Markii ay soo fooleen fanaaniinta kala ah Maxamed Bakaal Cirro, Mursal Muse Iyo Xaaskisa Khadra Sinimo ayaa waxaa isbeddelay jawiga goobta, waxaaa sacab iyo qaylo isla oogsaday dadweynihii ka qayb-galay Xaflada.

Waxaana markaasi ka dib kooxda Xidiguhu bilaabeen inay dadweynaha reer Gabiley dhagahooda Maqashiiyaan heesaha ay caanka ku yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here