Daawo Muuqaal: “Waxaan ka Codsanayaa Ragan wasiirada isku sheegaya anigu wasiiraba umahaystee” Mulkiilaha Xarunta Hido Dhawr Sahra Halgan Ahmed

0
868

Hargeysa, (HargeisaPress) — Fanaanada Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud ( Sahra Halgan) ayaa Sheegtay in wasaarada Arrimaha Guduhu u soo qortay warqad ay kaga joojinayso Xuska 30-Guurada Maalinta Shuhadada SNM oo ku beegan 17/10/2014-ka oo ay ku qaban lahayd Hutelkeeda Hiddo Dhawr ee Magaalada Hargeysa.
Sahra Halgan waxaa oo ay sheegtay in Warqad Caawa loo soo Gudbiyey kuna Sexaaxan yahay Wasiir ku-xigeenka Amniga Cali Maxamed Cali kuna dalbanayo in aanay qaban Karin waxa Xus ah.

Fanaanada Sahra Halgan waxay Hoosta ka xariiqaday in Xuska ay qabanaysay uu ahaa mid iyada u gaar ah oo ay ku xusayso Mujaahidiintii SNM ee dalka u shihiiday ee ay ka mid ahayd, isla markaan Xusku ay kala soo qaybgali karaan Cid walba oo Somaliland ah iyo Mujaahidiintii SNM iyo Ururka Sooyaalba oo aanay Xusku ahayn Mid siyaasadeed Balse uu yahay mid ay ku xasuusanayaan Dadkii dalkan u dhintay.

 

Halkan ka Daawo Sahra Halgan iyo Jawaabta Xukuumaddu ka Bixisay

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY