Laanta Xisbiga KULMIYE ee Dalka Holland oo Shir Ballaadhan oo Dardargelin iyo soo Dhawayn Taageerayaal Cusub ah Qabsaday + SAWIRRO

0
1506

Dordrecht , (HargeisaPress) —Laanta xisbiga KULMIYE ee dalka Holland, ayaa qabatay shir ballaadhan lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga, laguna soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo ka soo baxay xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Dordrecht ee dalka Netherland xalay, waxa ka qaybgalay madaxda iyo guddiga hoggaanka Laanta xisbiga KULMIYE ee Holland, masuuliyiin iyo wakiilo ka kala socday laamaha xisbigu ku leeyahay dalal ka mid ah Yurub, Canada iyo meelo kale, sidoo kale waxa khadka isgaadhsiinta ee telefoonka shirarka (Call Conference) kaga qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed.

Shirweynahan waxa lagu shaaciyey oo lagu soo bandhigay hoggaan cusub oo loo doortay Laanta xisbiga KULMIYE ee dalka Holland oo uu Guddoomiye u yahay Qaasim Haybe Qaalib.

Khudbado ay halkaasi ka jeediyeen Guddoomiyaha cusub ee Laanta Holland Md. Qaasim Haybe Qaalib, Guddoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE ee Laanta Holland Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye, xubno siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo madax kale, waxay kaga hadleen ujeeddada shirkan xisbigu qabsaday iyo muhiimada uu leeyahay, isla markaana waxay si wayn u soo dhaweeyeen siyaasiyiinta iyo taageerayaasha cusub kaga soo biiray xisbiyada UCID iyo WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here