Suldaan Abshir Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisaba U Diray Codsi In Uu Hoos U Eego Saamigii Xaqa Ay U Lahayd Beesha Akisho Oo Meesha Ka Maqan.

0
1221
Suldaanka Beesha akisho ee Somaliland Suldaan Abshir Xasan Cali: Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) —Suldaanka Beesha akisho ee Somaliland Suldaan Abshir xasan cali ayaa fariin codsi ah u dirayaa Madaxweyne Ahmed Maxamed mahamuud iyo xukuumadiisaba fariintaasi oo xanbaarsan in beesha Akisho ee Somaliland dagan saamigii xaqa ay ku lahayd dawladan aanay haysan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Mudane Madaxweyne beesha akisho oo kamid ah beelaha aad madaxweynaha u tahay waxay marwalba garab taagan tahay dadaalada iyo horumarka aad hogaanka ugu hayso qarankan, beeshan akisho waxay deegaan ahaan dagtaa Gobolka gabilay waad taqaanaa oo dhamaan tuulooyinkaasi ay si balaadhan hanti iyo dadba daganyihiin siyaasada dimuqraadiga Somaliland qayb weyn ayanu ka nahay oo xiligii Kulmiye ee kursiga aad tartanka ugu jirtay naf iyo maalba waanu u hurnay sidii aad kusoo bixi lahayd.

Beeshani deegaanka gobolka gabilay wax shaqaale hoosaad iyo mid sarre toona kuma hayso, xilalka qaranka sarsare iyo shaqaalaha wasaaradaha way yar yihiin oo hoosba cidi noomay eegin, waxaa beeshu leedahay dhalinyar aqoonyahan iyo siyaasiyiin jecel horumarka dalkan jaaniskii ay kaga qayb qaadan lahaayeena wali adiga ayay kaa sugayaan, Adigaanu ilaahay jaaniska kugu simay inaad madaxweyne u noqotid alle cimriga iyo caafimaad hakuu daayee, beeshu deegaankeedu wuu balaadhan yahay oo ilaa kumanaan beerood ayuu cashuur looga qaadaa iyo hanti badan oo guryo iyo ganacsiyaba leh, waxaan madaxweyne kaa codsanayaa in aad hoos u eegto maadaama haykalka dawladnimo ee Somaliland laga wada muuqdo aad wixii xaq beeshu u leedahay aad siiso muwaadiniinta qaranku si siman wax u wada helaan”

Suldaan Abshir Xasan cali wuxuu ugu duceeyay in ilaahay abaartan kazoo furto oo naxariistiisa ugu gargaaro adoomihiisa baahan, Suldaan Abshir isagoo la hadlaya warbaahinta wuxuu si nadiif ah ula garnaqsaday in Somaliland ay tahay wadan dad badan oo kala qabiilo ahi dagan yihiin in si siman muwaadiniinta wax loogu qaybiyo ay haboon tahay.

Afhayeenka Beesha Akisho

Abdirahman Muse Ali

LEAVE A REPLY