Jaamacadda ADMAS Oo Sanadkii Labaad Uqabatay Ardayda Dhigata Tartanka Kubada Cagta + SAWIRRO

0
1396
Madaxda sare ee Jamacadda ADMAS

Hargeysa, (HargeisaPress) —Jaamacada Admas ayaa maanta magaalada Hargaysa ku qabatay tartanka kubada cagta oo ay ka soo qayb galeen sagaal naadi oo ka socday qaybaha kala duwan ee ardayda dhigata jaamacada Admas.

Tartankan ayaa ah sanadkii labaad ee ay jaamacada Admas u qabata ardayda dhigata jaamacda.

Xaflada furitaanka tartanka oo maatna ka qabsoontay mid kamid ah garoonada gaarka loo leeyahay ee kuyaal caasimada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta jaamacada Admas, xubno kasocday dawlada, marwo Khadra Kaliil Cabdi iyo masuuliyiin ka socday dallada dhalinyarada ee Sonyo.

Ugu horayna waxaa furitaanka xaflada ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyay ujeedada xaflada Gudoomiyaha Jaamacda Admas Ixsaan Cumar oo usoo jeediyay kooxaha ka qayb galeya tartanka kubada cagta in ay ilaaliyaan anshaxakuna tala galaan guul iyo guul daraba.

Gudoomiyaha Ixsaan oo hadalka sii wata ayaa intaasi raaciyay in ay jaamacada Admas ay dadaal badan saarto sidii ardayda dhigata ay uga dhisi lahayd dhinac yada wax barashada iyo sidoo kale Ciyaaraha tartankan maatuna uu kamidyahay wax yaabaha ardayda lagu dhisayo.

Waxaa sidoo kale isna ka mid ahaa ka qayb galayaasha xaflada furitaanka Cabdikariin Axmed Mooge oo sheegay in wareega ciyaaraha gobolada Somaliland ciyaartooyada iskugu yimaadaa ay mararka qaar ku kacaan falal xun oo ka baxsan anshaxa ciyaaraha , sidaa daraadeedna waxa uu usoo jeediyay in ay kooxaha tartankan ka qayb gelayaa ay iska ilaaliyaan inay la yimaadaan inta uu tartanku socdo falal ka baxsan ciyaaraha.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa dhanka kale ku amaanay jaamacada Admas tartanada ciyaaraha ee ay uqabato ardayda dhigata Jaamacada.

Marwo Khadra Kaliil Cabdi ayaa iyana ku amaantay Maamulka Jaamacda Admas tartanka kubada Cagta ee ay u qabteen ardayda dhigata jaamacada iyoadoo usoo jeedisay inay Jaamacadu balaadhiso tartanka oo ay ku soo daraan qaybaha kale ee ciyaaraha iyadoo sidoo kalana usoo jeedisay Maamulka jaamacda Admas inay sanadka Dambe ku soo daraan ciyaaraha Hablahu ay ciyaaraan.

Waxaa sidoo kale munaasibada loosameeyay furitaanka tartanka kubada Cagta ee Jaamacada Admas ka hadlay gudoomiyaha ardayda Jaamacada Admas Maxamuud Jawaase.

.

Jaamacda Admas ayaa jaamacada kale kaga duwan garab istaaga dhalinyada dalka gaar ahaana ardayda dhigata jaamacada oo inta badan ay uqabato tartan kala duwan sida kuwa kubada cagta iyo kuwo aqoon iswaydaarsiba.

Halkan hoose ka daawo Sawiradda Xaflada furitaanka tartanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here