Xukuumadda Somaliland Oo Ka Baaqatay Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxwaynayaal Badan Oo Afrikaan Ahi

0
992

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa ka baaqatay inay ka qayb gasho shirka ay ka qayb galaan madaxda qaarada Afrika ee Tana Forum kas oo sanad kaste lagu qabto Itoobiya,doorkana lagu qaban doono magaalada Daahir Dar ee dalka Itoobiya.

Shikan oo ah shir muhim ah ayaa waxa hore uga qayb gali jirey wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis kaas oo samayn jirey galaan-gal diblomaasiyadeed oo uu madaxda Afrika ugu soo bandhigo qaddiyada Somaliland,Hase’yeeshee sanadkan iyo sanadkii ka horeeyey ee uu xilka kasii maqnaa ayaanay  jirin cid Somaliland  shirkaasi uga qayb gashay.

Waxaanu Maxamed Biixi Yoonis sanadkii 2016 shirkaas ka qayb galay isaga oo muwaadin ah oo an xil dawladeed haynin.

Shirka sanadkan oo uu ajandahiisa ugu wayn ahaa Khayraadka Dabiiciga ah ee ku duugan qaarada Africa,ayaa waxa furey raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desalegn.

Shirkan oo sanadkan Somaliland dayacday inay ka qayb gasho waxa goob joog ka ahaa raysal wasaaraha Itoobiya,madaxwaynaha Uganda,madaxwaynihii hore ee Koonfurta Nayjeeriya,  Obasanjo oo ah gudoomiyaha Foramkan.sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ururka Midowga Afrika Thomas Kwesi ayaa isna kamid ahaa madaxda shirkaasi ka qayb gashay.

Shirkan ayaa Somaliland u ahaa fursad ay madaxda ka qayb gashay ugu bandhigi kari lahayd qaddiyadeeda iyo faa’idada ay Somaliland u yeelan karto Afrika hadii ay hesho aqoonsi rasmi ah,waxaana kamid yahay shirarka ay Somaliland kaga shaqayn karto qaaradda Afrika madaama oo ay ka qayb galayaan madaxwaynayaal badan oo Afrikaan ahi.

Lama garanayo sababta ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo shirkaasi oo ah fursad muhiim ah uga qayb gali wayday,waxase jira dad badan oo aaminsan in gaabis ku yimi aqoonsi raadiska wakhtigan madaxwayne Siilaanyo xilka hayo marka la garab dhigo xukuumaddihii ka horeeyey.

Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here