Khilaaf Xoogan Oo La Sheegay Inuu Ka Dhex Qarxay Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Iyo Halka Uu Khilaafku Ka Curtay Oo Xogo Kasoo Baxayaan

0
1017
Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo nasoo gaadhaya ayaa waxa uu sheegayaa in khilaaf xoogan oo muddo huursanaa uu ka dhex qarxay wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi  Obsiiye iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cimi Aadan.

Waxaana khilaafkan ka dhex qarxay labadan Masuul uu ahaa mid muddo badan huursanaa kaas oo markii danbe dibada usoo baxay isla markaana sababay in wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland uu saxeexii ka joojiyo Agaasimaha guud ee wasaaradda,waxaana xoguhu sheegeen in agaasimuhu aanu muddoba kasoo xaadirin shaqada wasaaradda khilaafkaasi awgeed.

Waxaana khilaafkan uu ka curtay sida la sheegay kadib markii uu agaasimuhu saxeexay Lacago Kaash ah oo uu agaasimuhu hawlo gaar ah ku fuliyey taas oo uu wasiirku aad uga cadhooday markii uu ogaaday,waxaana ay sababtay in uu banaanka usoo baxo khilaafkaasi oo muddo huursanaa intaasi ka dibna uu wasiirku saxeexa ka joojiyo agaasimaha.

Waxaana khilaafkan ka dhex qarxay labadan masuul uu hakad galiyey hawl maalmeedkii shaqo ee wasaaradda isaga oo Agaasimuhuna aanu muddo kaso xaadirin wasaaradda isla markaana uu dabad wareeg ahaa.

Dhinaca kale xogaha ayaa waxay sheegayaan in ergooyin kala duwan oo iskugu jira masuuliyiin xilal hore uga soo qabtay xukuumadda iyo kuwo hadda ka hayaaba ay la kulmeen wasiirka isla markaana ay dhex-dhexaadin ka dhex wadaan labadaasi Masuul si ay dib usoo noqoto wada shaqayntii ka dhaxaysay wasiirka iyo Agaasimaha guud oo uu hakad galisey khilaaf ka dhex qarxay labadaasi masuul iyo waliba sidii ay iskugu laab xaadhan lahaayeen labadan masuul.

Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkaasi ka dhex qarxay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddda oo sababay in wasiirku saxeexii ka joojiyo Agaasimaha guud ee wasaaradda.

LEAVE A REPLY