Fanaaniinta Waayaha Cusub Oo iska dhiibtay Holland markii loo diiday inay ku laabtaan Kenya

0
849

Amsterdam, Netherlands (HargeisaPress) — Fanaanniin Soomaaliyeed ayaa iska dhiibay dalka Netherlands kaddib markiii loo diiday inay dib ugu laabtaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo xarun u ahayd muddo sannado ah.

Falis Cabdi Maxamuud oo hoggaaminaysa fannaaniintan ayaa wareysi ay siisay BBC-da ku sheegtay in xukuumadda Kenya ay kala laabatay aqoonsi qoxootinimo oo ay dalkaas ku joogeen, iyadoo sheegtay in iyada iyo afar kale oo kooxdooda ka tirsan ay bishii hore kasoo baxeen Nairobi.

Kooxdan oo lagu magacaabo ‘Waayaha Cusub’ ayaa qaadi jiray heeso dhan ka ah Al-shabaab, kuwaasoo ay ku sheegeen, taasoo ay sheegeen inaysan u suuro-gelinayn inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

“Waxay ahayd inaan dib ugu laabanno Kenya 11-kii bishan, balse dowladda Kenya ayaa nagu wargelisay inay aqoonsiyadii qoxootinimo nagala laabteen, ayna nagu celin doonaan Somalia haddii ay kusoo laabtaan Nairobi,” ayay tidhi Falis.

Dowladda Kenya ayaa howlgallo ay ku qabaqabanayso Soomaalida dalkaas ku nool kawaday magaaladaas tan iyo horraantii sannadkan; iyadoo aanay ka hadlin dowladda Kenya sababta ay aqoonsiyada ugala laabatay kooxdan fannaaniinta ah ee Soomaaliyeed.

Madaxii kooxdan, Shiine Akhayaar ayaa sannadkii 2007-dii ayay xubno Al-shabaab loo maleynayo waxay ku toogteen magaalada Nairobi ee Kenya, isgaoo toogashadaas ku dhaawacmay, haatanna wuxuu ku nool yahay dalka Britain.

“Waxaanu doonaynay inaan ku laabanno magaalada Nairobi oo aan muddo sannado ah ku noolaa, sidoo kale waxaa jooga saddex carruur ah oo aan dhalay, balse waa naloo diiday, taasna waxay keentay inaan iska dhiibno Holland,” ayay tidhi Falis oo la hadlaysay BBC-da. Waxayna intaas ku dartay. “Waaxda dalka Kenya ku qaabilsan Qoxootiga ayaa inoo sheegay inay dib ugu celin doonaan Muqdisho haddi ay yimaadaan Nairobi.”

Ugu dambeyn, waxay sheegtay inay rajeynayso in dowladda Netherlands ay ka ogolaan doonto codsigooda qoxootinimada ah, iyadoo xustay in kooxda ay u timid Amsterdam sidii ay uga dhigi lahaayeen bandhig-faneed.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here