Daawo Muuqaal: Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Diwaangalinta Madaniga Ah iyo Arimaha Doorashada

0
861

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mujaahid Boobe yuusuf Ducaale, ayaa dhaliilay habka ay u socoto Diwaangalinta Madaniga ah, isagoo sheegay in wakhtigan ay ka haboonaan lahayd in la sameeyo diwaangalinta Codbixinta.
“Waxa jirta Diwaangalin la leeyahay Diwaangalinta Madaniga ah oo hadal haynteeda iyo buuqeeda iyo murankeeduba aad u fara bateen,maantana u muuqata inay tahay Ciyi waa ka baryay ama Saanbuuse laga adimay.markaad eegto Guriga shaqaalaha oo la iska diwaangalinayo waxaa taagan 6 ama 7 qof” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Waxa uu sheegay Boobe Yuusuf Ducaale in Diwaangalinta Muwaadinku ka duwan tahay sida Wasaaradda daakhiligu ku hanjabto ee ah inaan qof aan qaadan kaadhku Lacag ka qaadan Karin xawaalad ama aanu gaadhi wadi Karin.

“Marka aynu ka hadlayno in qofku muwaadin noqdo, Qawaaniinta iyo Dastuurada Aduunyadu waxay qoranayaan in qofka Muwaadinka ahi yeelanayo Xuquuq, inuu waajib ku yeelanayo dalkiisa.markan aynu ka hadlayno diwaangalinta iyo dadkii dalkan lahaan lahaa ee xaqaas iyo waajibaadkaas yeelan lahaa, waa xaq aanay ilaa waligeed umaddani soo helin, waa wixii loo dagaalamay ee loo burburay, muwaadinimadu way ka wayn tahay Taysaro yar oo la qaato oo Iskuulada iyo xawaaladdaha lagu tago ama gaadhi lagu wado.marka xukumaddu sidaas u hadlayso waxaanu u aragnaa inay aaminsan tahay in Muwaadinimadu tahay Kaadh yar oo lagu wado baabuurta ama xawaaladdaha lacag lagaga qaato.” Ayuu yidhi Boobe.
Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu soo jeediyay in Diwaangalinta Codbixinta la bilaabo “Waxaanu leenahay hadba salaadda Joogta ayaa la tukadaaye inta laga baxo wax walba, hala bilaabo diwaangalintii codbixiyeyaasha iyadoo wakhtigeedii la joogaaye.waynu sii jiro oo waynu Noolaan Insha Allah ee cagta ha loo dhigo ta madaniga ah waynu samayne ta codbixinta hala sameeyo oo hala joojiyo arintan la fool eryayo”
Mujaahid Boobe waxa uu sheegay inaanay muuqan sansaan suuro galinaya in doorashadu wakhtigeedii qabsoonto marka loo eego Xeerka diwaangalinta ee Guurtidu hakisay,Komishankii doorashada oo aan wali dhismihiisu dhamaystirmin.
Mujaahid Boobe waxa uu sheegay inaan Nolosha bulshadu ku xidhnayn arimaha siyaasiga ah oo kaliya balse ay qaybo badan tahay “dadka waxaa sugaysa arin intaas ka wayn iyo baylah intaa ka badan oo Nolol bulsho ayaa ina sugaysa oo arimo istimaaciya ayaa jira, Nolol deegaan baa jirta, dhuxushaas iyo dhirtaas gubanaysa ayaa u baahan in laga hadlo cid soo hadal qaadaysaana ma jirto” ayuu yidhi Mujaahid Boobe.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY