Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Ku Gurtay Koox Culimo Ah Oo Gudaha Somaliland Kaga Dhawaaqay Urur Diimeed Iyo Taliska Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay

0
1853
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ku gurtay Koox culimo ah oo dhawaan gudaha Somaliland kaga dhawaaqay urur Diimeed ay ugu magac dareen Al-Saaciduuna Bil Xaq kaas oo ay ku sheegeen in ay wadeen qorshahiisa muddo 45 sanadood ah.

Waxaana kooxdan culimada ah ay dhawaan hal mar uun kaga wada dhawaaqeen dawladaha Somaliland,Somaliya Masar iyo waliba maamulka Puntland.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan ayaa ka dhawaajiyey in ciidamada Booliska Somaliland hawl gallo ay shalay bilaabeen ay kusoo qab-qabteen saddex kamid ah kooxdaa culimada ah ee gudaha Somaliland kaga dhawaaqday urur Diimeedka.waxaana uu xusay sidoo kale in ururkaasi uu yahay mid sharci darro ah isla markaana Khalkhal galinaya amaanka dalka.

Taliye Fadal ayaa isaga oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Sidaad ogtihiin ciidanka Boolisku waxa uu u igman yahay qaranka Somaliland ama bulshada Reer Somaliland ilaalinta nabadgaliyada isaga oo markaste alle tallo saaranaya,sidaad la socoteen waxa dhawaan Koox wadaado ahi ay caasimada Hargeysa kaga dhawaaqeen urur ay ku sheegeen magaciisa Al-saadicuuna Bil Xaq kaas oo aan sharci ahayn khatarna ku ah nabadgaliyada qaranka iyo nabadgaliyada Bulshada Reer Somaliland,intaas kadib ciidamada Booliska Somaliland waxay galeen hawl gallo balaadhan shalay oo Taariikhdu ahayd 10.04.2017- ilaa wakhtigu markuu ahaa 11 subaxnimo ilaa xalay 3 habeenimo ku jireen hawl gallo balaadhan,ciidanka boolisku waxay gacanta kusoo dhigeen Saddex xubnood oo kamid ah xubnihii ku dhawaaqay Ururkaas ah waxaana isla markiiba si deg deg ah looga xalaaleeyey maxkamadda awooda u leh iyo xeer ilaalinta,iyaga oo ay ciidanka Boolisku cuskanayaan,marka uu kiisku yahay kiis culus sida uu tilmaamayo qodobka 58-Aad xeerka habka ciiqaabta xubintiisa Labaad waaran la’aan hadaad cid nabadgaliyada looga cabsi qabo inay waxyeelayso ama baxasanayso waaran la’aan ayay ku gali karaan si dhakhso ahna waa in markaa maxkamadda looga xalaaleeyaa markaas ciidamada Boolisku waxay hadda gacanta ku hayaan Saddex xubnood oo kamid ah xubnihii Hargeysa kaga dhawaaqay Urur diimeedkaas”sidaas ayuu yidhi Taliye Fadal.

Sidoo kalena taliyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey ujeedada hawl gallo ay ciidamada Boolisku ka wadeen maalmihii danbeeyey gudaha Somaliland gaar ahaana ciidamada Nabadgaliyada wadooyinku waxaana uu yidhi

“Ciidan waynaha Booliska Somaliland sidaad la socotaan waxay baryahanba hawl gall balaadhan kaga jireen ciidamadu laba Shay oo culayska saareen oo kala ah ururinta cashuuraha dakhliga oo ah Liisamada,xawaaraha dheer gawaadhida ku socda,Bacaha Beersoosha ee gawaadhiga muraayadaha lagaga dhajiyo oo nabadgaliyada Khatar ku ah sida laga warqabo,gaadiidka laga jaro bacaha Beersoosha marka hore waa la qoraa gaadhiga lagu qabto  mar labaad isaga oo kusoo celiyey waa gaf ciqaabeed waana la ganaxaayaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Taliye Fadal.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here