Daawo Muuqaal: Madaxweyne Siilaanyo oo ugu Baaqay Maalqabeennada Caalamka inay Maalgashadaan Khayraadka Somaliland

0
898

Hargeysa , (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay maalqabeennada caalamka inay ku dhiirradaan maalgashiga khayraadka dihin ee ku jira dhulka Somaliland.

shirka-maalgashiga

Madaxweyne Siilaanyo oo qoraal luqadda Ingiriisiga ku qoran ka hor akhriyey shir lagaga hadlay maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska shalay, waxa uu sheegay in waddankiisu hodan ku yahay khayraadka kala duwan oo u baahan in laga faa’iidaysto.

shirka-maalgashiga2

“Madashan maanta (shalay) waxay tusaysaa maalgashadayaasha caalamiga ah in dalka Somaliland yahay waddan ganacsiga u furan. Waxaannu leeyahay meelo badan oo la maalgashan karo. Barwaaqada iyo horumarka ka jira Somaliland waa waxa maanta halkan isugu keen keenay.

shirka-maalgashiga4

Waxaan halkan u taagannahay in aan idinku dhiirrigeliyo; hadday yihiin maalgashadayaasha dawliga iyo kuwa gaarka ahba inaad ku abaal marisaan, kuna kobcisaan dadka jiritaankooda iyo qiimahooda nabadda iyo wadajirka ku dhisay, siyaasaddooduna tahay mid shacabka ka go’da, waana inaad booqataan Somaliland si aad u aragtaan maalgashiga ka socda ee bulshadu samaysay,” ayuu yidhi Md. Silaanyo.

 

Halkan ka Daawo Shirka

 

 

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY