SOmaliland: Maayarka Hargeysa oo Shaaciyay inay wax ka Qabanayaan Cidhiidhiga Caasimadda

0
831

Hargeysa , (HargeisaPress) — Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Max’uud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay inay istaamo koonayaasha magaalada uga sameeyay gaadiidka ka baxa si saxmadda gaadiidka looga yareeyo magaalada. Sidaa wuxuu ka sheegay kulan uu maanta la yeeshay gaadiidleyda, isla markaana wax ka waydiinayay sida ay arrintaas u arkaan iyo sidii magaalada looga yareen lahaa Saxmadda.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu guddi u saaray qaabka istaamo u gaar ah loogu samayn lahaayeen Gaadiidka Basaaska ee magaaladda iskaga dhex goosha, kuwaas oo iyaga laftooda la qorshaynayo in magaaladdda laga dhex saaro.

Maayarka ayaa sheegay in gaadiidka Bakhaaradda raashinka ka qaadanaya ama ku roggaya ay suuqa soo gali karaan wakhti go’an ama xilliyadda saxmadda yar tahay ,isla markaana aan suuqa lagu dhex arki Karin gaadhi xamuul ah oo iska taagan badhtamaha Suuqa.

PA141958

“Maanta waxaan idinku yeedhnay sidii saxmadda magaaladda uga yareyn lahayn waad aragteen sida magaaladu saxmadda u tahay,waxaanu qorsheynay in gaadiidka wixii magaaladda ka baxa kooneyaasha magaaladda loo kala saaro”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda oo ka hadlayey qorshaha ay u sameeyeen Gaadiidka magaaladda ka baxa.

Mar uu Maayarku tilmaamayey siday u kala qorsheeyeen iyo goobaha ay u kala diyaariyeen gaadiidka magaaladda dibadda uga baxa sida gaadiidka u baxa goboladda Bariga, goboladda galbeedka, gaadiidka u baxa waqooyiga iyo Gaadiidka u baxa Koonfurta Hargeysa oo dhinac walba jiho looga raray magaaladda, ayaa yidhi.

“Waxaanu Gaadiidka magaaladda u kala baxay u qorshaynay sidan Gaadiidka u Baxa Bariga sida Berbera iyo Burco waxaanu istaan uga dhignay Xero Dhiigta horteedda, Gaadiidka Waqooyiga u baxa waxaanu u u qorshaynay Kaantaroolka Ina Aamin dushiisa ayaanu uga samaynay Istaan,, Gaadiidka Hawdka u baxa waxaanu Istaan uga dhignay Madaarka Agteedda,Galbeedka gaadiidka u baxa waa inay tagaan halka wadada boqol iyo konton iyo wadadda kale iska gooyaan ayaanu istan ugu samaynay”.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu sheegay inay guddi u saareen qorsheeya sidii Basaaska iyo Takaasidda loogu samayn lahaa Istaamo u gaar ah oo magaaladda ka baxsan, waxaanu yidhi “waxaanu guddi u saarnay gaadiidkii Basaska nidaamin lahaa oo iyagana kooneyaasha loo geyn lahaa”.

Guddidaasna waxa ka mid ah Agaasimaha arrimaha bulshadda dawladda Hoose,Taliyaha Ciidanka nabadgalyadda wadooyinka, la taliyaha wasiirka Hawlaha Guud iyo xildhibaanada golaha deeganka ee hawshan ku shaqadda leh, kuwaas oo soo diyaarin doona istaanka Basaska iyo Takaasidda oo loo qorshaynayo inay iyaguna dibadda meelo ka baxsan looga samayn lahaa.

Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in Jaadka meelaha lagu iibinaya xarumo lagu iibiyo looga samayn doono kooneyaasha magaaladda oo magaaladda laga dhex saari doonno, sidoo kale Macradadda Baabuurta lagu iibiyo ayaa iyaguna loo maalgalinaya goobo ay ku shaqaystaan oo looga dhisi doono labadda koone ee magaaladda Hargeysa bari iyo galbeed.

Gudidda iskaashatooyinka Gaadiidka magaaladda ka baxa iyo kuwo iskaga dhexgooshaba waxay soo dhoweeyeen go’aankaasi dawladda hoose samaysay, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay helaan dhul istaamo u gaar ah oo ay ka baxaan, maadaama oo aanay markii hore haysan dhul u gaar ah istaamo isla markaana meherado hortood iska hor istaagi jireen.

Waxaanay guddida iskaashatooyinka iyo Maayarka Hargeysa isla gorfeeyeen inay sida ugu fiican qorshahaasi iyagoo isku duuban u hirgali lahaa, isla meel dhigi lahaayeen.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY