Guddida Doorashada Somaliland Oo Soo Bandhigay Natiijada Heer Gobol Iyo Heer Degmo Ee Dadka Is Diwaan Geliyey

0
7764
-Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md.Siciid Cali Muuse

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddiga komishanka qaranka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday tirada dadka guud ahaanba iska diiwaangaliyey gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Waxaana guddigu ay soo bandhigeen tirada degmo kaste iyo gobol kasteba iska diiwaangaliyey iyaga oo aanay jirin deegaanada qaar aanay  ku dhawaaqin tirada dadka iska diwaangaliyey si ay u codeeyaan Madaxtooyada,Wakiilada iyo  golayaasha deegaanka Somaliland.

Waxaana ay tirada dadka is diwaangaliyey ee ay guddiga doorashooyinku soo  bandhigeen ay kala ahaayeen sida tan.

Gobolka Maroodijeex:-  waxa iska diiwaangaliyey 312,634

Hargeysa:- Waxa iska diiwaangaliyey   222,975

Gabiley:- Waxa iska diiwaangaliyey    58,087

Balli-gubadle:- Waxa iska diiwaangaliyey  14,757

Salaxley:- Waxa iska diiwaangaliyey   16,815

Gobolka Saaxil:- Waxa iska diiwaangaliyey 78,842

Berbera:- Waxa iska diiwaangaliyey 63,831

Sheekh:- Waxa iska diiwaangaliyey 15,011

Gobolka Togdheer:- Waxa iska diiwaangaliyey 178,506

Burco:- Waxa iska diiwaangaliyey 44,954

Oodwayne:- Waxa iska diiwaangaliyey 23,614

Buuhoodle:- Waxa iska diiwaangaliyey 9,933

Gobolka Sool waxa iska diiwaangaliyey 71,096

Laascaanood:- Waxa iska diiwaangaliyey 29,558

Caynaba:- Waxa iska diiwaangaliyey  31,052

Xudun:- waxa iska diiwaangaliyey 5,341

Taleex:- waxa iska diiwaangaliyey 5,145

Gobolka Sanaag:- Waxa iska diiwaangaliyey 85,222

Ceerigaabo:- Waxa iska diiwaangaliyey 50,432

Ceel-afwayn:- Waxa iska diiwaangaliyey 12,203

Gar-adag:- Waxa iska diiwaangaliyey 17,962

Badhan:- Waxa iska diiwaangaliyey 4,625

Gobolka Awdal:- Waxa iska diiwaangaliyey 147,031

Borama:- Waxa iska diiwaangaliyey 90,496

Saylac:- Waxa iska diiwaangaliyey 26,547

Lughaya:- Waxa iska diiwaangaliyey 15,185

Baki:- Waxa iska diiwaangaliyey 14,830.

Gabagabadiina tiradan ay shaaciyeen guddigu ayaa ah tirada rasmiga ah ee iska diiwaangalisey gobolada iyo degmooyinka dalka,waxaana ay guddigu sheegeen in gobol kaste iyo degmo kaste la gaynayo kaadhadhka tiradan iska diiwaangalisey,waxaana wadarta guud ee dadka is diwaangaliyey ay tahay 873,331.

Halkan ka sii eeg .. KDQ Natiijada Diiwaangelinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here