Ciidanka Dabdemiska Oo Badbaadiyay Hal Qof+ Hawlo Dab Oo Kala Duwan Oo Ciidanku Ka Fuliyay Gudaha Caasimada Hargeysa + SAWIRRO

0
1517

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ciidanka Dabdemiska Oo Hawlgalo Kala Duwan oo Dab ka fuliyay Suuqa Waaheen iyo guud ahaan Caasimada. Hawlagadaas oo subaxnimadii hore ee saaka ciidanku ka bilaabay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa,ayaa waxaa sabab u ahaa kadib Roobab waaweyn oo ka da’ay Caasimada ayaa waxay sababeen in xadhkaha Laydhku ay sameeyaaan Shoodhadh.

Ciidanka Dabdemiska caasimada ayaa isla markii lagu soo wargeliyay dababkaasi  waxay ka hawlgaleen dhamaantood, ugu horayna ciidanku wuxuu u baxay badhtamaha Suuqa Weyn ee Waaheen, halkaasoo uu ka dhacay shoodh mid kalmida meherada ku yaala suuqa.

Ugu Horayna Ciidanku wuxuu ka hawlgalay dab ka dhacay Galbeedka Suuqa Waaheen Meherad ku taala,waxaanu u adeegsaday dabkaa qalabkii ku haboonaa ee dabkaas nooca Budada Cabudhsan [ Dry Powder ] waxaana halkaasi ciidanku ka soo badbaadiyay Hal Qof oo Dumara isla markaana waayeela  kuna waxyeeloobay Dabkaa Shoodhka ah waxaana Ciidanku soo badbaadiyay qofkaas oo badqaba.

Sidoo kale waxaa Ciidanku hawlgalo kaloo dab ka sameeyay isla suuqaasi agtiisa gaar ahaan agaagaarka weyn ee Masaajidka weyn ee Jaamica Hargeysa. Dhanka kalena waxaa iyadana hawlgalo kale laga sameeyay agagaarka Waddada Garab marta Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan Ishaarada halka waddada Idaacada ka baydho ee Suuqa Hoose, sidoo kale Fooqa Jajabka dhiniciisa galbeed, Agagaarka Dawlada Hoose Hargeysa, iyo Goobta Suuqa Istaanka Basaska Idaacada ee Magaalada Hargeysa.

Guud ahaan xilliyada Roobabawga ayaa waxaa Jira in xadhkaha Laydhku ay sameeyaan Shoodh isla markaasina geystaan waxyeelo Daran oo Naf iyo Maala leh, waxaana taa sababaysa iyadoo xadhkahaasi ay aad isku dhawyihiin masaafo ahaan sidoo kalena aan dayactir badan lagu samayn.

Gabagabadii waxaanu ku wacyigelinaynaa dadweynaha caasimada inay ka feejignaadaan xadhkaha laydhka wakhtiyada roobku jiro kana taxadiraan sidoo kalena ay iska dayactiraan xadhkaha laydhka. Waxaa kaloo iyagana aan ku wargelinaynaa in Shirkadaha Laydhku ay markasta dacaytiraan xadhkahooda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @Hargeis

LEAVE A REPLY