Hargeysa: Hooyo Foosiya Gaabo oo Lagu Qalay Ilmihii Toddobaad ee ay Dhasho + SAWIRRO

0
7813
Hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo)

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo) oo ah gabadh ka mid ah dadka ugu gaagaaban Somaliland oo ah danyar ku nool dawirsiga suuqyada Hargeysa iyo kolba wixii taakulo ay ka hesho shacabka, ayaa lagu qalay ilmihii toddobaad ee ay dhasho.

https://youtu.be/H8ZGmJ9Xwqk

Foosiya Gaabo oo dhererkeeda gaaban dartii aan si caadi ah u dhali karin, ayaa mar kale ilmihii toddobaad oo ah wiil ay ku dhashay qalliin loogu sameeyey cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar ee magaalada Hargeysa habeenimadii Khamiista ee toddobaadkan.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw Koombe) oo isagu si mutadawacnimo ah u fuliyey dhammaan qalliinnada Foosiya Gaabo ku dhashay carruurta, ayaa mar kale ku guulaystay qalliinka ilmahan toddobaad ee hooyadan danyarta ah.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw Koombe) iyo Caruurta Foosiya Gaabo

Dr. Aw Koombe oo qalliinka hooyo Foosiya Gaabo uga warramay weriyayaal ku booqday cusbitaalka Gargaar, ayaa sheegay in xaaladdeeda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay ka soo kabanayso qalliinkaasi.

“Caawa (22 March 2017) waxaannu qalliinkii toddobaad u samaynay Foosiya Gaabo oo caan ka ah magaaladan Hargeysa, waana hooyo danyar ah oo dayacan, annagu haddaanu nahay cusbitaalka Gargaar waxaannu samaynaa in aannu qaabilno qalliinkeeda, dawadeeda iyo jiifkeedaba, caafimaadkeeduna aad buu u fiican yahay iyada ilmaha yarba, halkan hadda waxa la jooga dhammaan toddobada carruurta ah ee ay dhashay,” ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Aw Koobme.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi waxa uu bulshada afka Soomaaliga ku hadasha dibad iyo gudaba ugu baaqay inay soo caawiyaan hooyo Foosiya Gaabo oo ah danyar aan waxba haysan, waxaannu yidhi, “Waxaannu ugu baaqaynaa dadka Soomaalida ah inay soo caawiyaan Foosiya Gaabo iyagoo ugu soo hagaajinaya lambarrada akoonadeeda, waana sababta aannu ugu soo bandhigayno warbaahinta si dadweynuhu uga qaybqaataan mucaawanada ay u baahan tahay hooyadan iyo carruurteedaba.”

Haddaba, waxa laga codsanayaa dadweynaha muxsiniinta ah in wixii ay awooddaan ay ugu soo hagaajiyaan hooyo Foosiyo Gaabo hab-xisaabeed uga furan shirkadda Dahabshiil oo lambarkiisu yahay: DH 141950, iyadoo sidoo kalena ay kala xidhiidhi karaan haweenaydan telefannkeeda gacanta oo ah Telesom: 0633553860.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY