Maayarka Magaalada Gabiley Oo Ka Hadlay Biyo Yaraan Magaalada Ka Jirta

0
1805

Gabiley,(HargeisaPress) — Maayarka magaalada Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, ayaa ka hadlay xaalad biyo yaraaneed oo maalmahan u dambeeyay laga dareemay magaalada Gabiley.

Maayarka, ayaa sheegay inay biyo yaraanta keentay xaaladda kaliisha oo sii kululaanaysa iyo dadka tirada badan ee deegaanka Gabiley hayaanka ku yimid,  “Hadalo biyo yaraaneed ayaa magaalada ka soo yeedhayay, waxaan hoosta ka xariiqayaa biyo yaraanta jirtaaa waa biyo yaraantii aan naqaanay inay xilliyadan kaliisha dhacda oo sii cuslaatay oo ay waayuhu culaysiyeen, waayo isticmaalkii biyuhu halkii shalay way ka badanyihiin, oo soo guurto badan ayaa gobalka dul joogta.” ayuu yidhi Maayarka oo saxaafadda la hadlay, waxaanu intaas raaciyay “Dadweynaha reer Gabiley waxay ka cabaan ceelasha botoreed, ceelashaas sideedii sanandood ee u dambeeyay wax alla wax lagu kodhiyay ma jiraan, isticmaalkiina maalin kasta wuu kordhayaa ama tirada dadka oo korodha ha noqdo ama tirada xoolaha oo korodha, taas ayuun baa jirta oo duruuftaasi keentay.”

Wuxuu maayarku dadweynaha Gabiley u sheegay in dawladda hoose gacanta ku hayso ceel lagu soo kordhinayo ceelashii hore u jiray, “Waxaanu maamul ahaan ka hawlganay inaanu wax soo saarka kordhino, waxaan reer gabiley ugu bushaaraynayaa inaanu maanta gacanta ku hayno ceel lagu kordhinayo ceelashii hore ee magaaladu ka cabi jirtay, waxaanan u mahadcelinayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo garawshiiyo ka bixisay jawaab deg deg ahna na siisay.” ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here