Suldaan Abshir Xasan Iyo Odayaasha Dhaqanka Kasoo Jeeda Gobolka Gabilay Oo Hambalyo U Diraya Go-Aanka Dastuuriga Ah Ee Guurtidu Ansixiyeen.

0
1343

Hargeysa,(HargeisaPress) — Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka gabilay ayaa ku tilmaamay goaankii guurtidu gaadhay in uu ahaa mid sharciga waafaqsan oo dastuuri ah ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Sultan Abshir xasan cali isagoo la hadlay bahda warbaahinta Hargeisapress iyo hargeisamedia,ateerkanews wuxuu yidhi suldaanku “qarankan dhidibada ugu wayn ee ku ku taaganyahay waxaa ka mid ah gollaha guurtida waxay taariikhda somaliland kaga jiraan meel wayn oo markhaati laga yahay inta somaliland dheer tahay dawladaha kale waa odayaasha guurtida,wadanka abaaro ba’an oo xoolo iyo nafba dhameeyay ayaa ka jira marxaladan dastuurku wuxuu ina farayaa in aan doorasho la galin karin waxaan ku bogaadinayaa gollaha guurtida goaankaas sharci ee ay ku dhawaaqeen waxaan leeyahay salaadiinta odayaasha kale ee qarankani leeyahay ee sida qalooca ah wax u tilmaamaya aynu hadalka wanaagsan ummada u sheegno sidoo goaanka dastuuriga ah ee sharciga waafaqsan  ixtiraamno”

Chief caaqil Qorane ayaa isna wuxuu yidhi “waan soo dhawaynaynaa hadaanu nahay oday dhaqameedkii gobolka gabilay kasoo jeeday goaankaas dastuurka waafaqsan wanu taageernay gollaha guurtida alle cimriga ha u barakeeyo doorshadaas soo socotana alle ha inooga dhigo mid xalaala oo hogaan wanaagsan inooga soo baxo”

Caaqil xuseen dheere wuxuu isna yidhi ilaahay wanaaga ha ina waafajiyo anagu oo ah odayaashii dhaqanka gobolka gabilay kasoo jeeda waanu taagernay goaanka dastuuriga ah ee golaha guurtidu ku dhawaaqeen

Oday shide cali barre ayaa isnaa ku daray in sharciga aynu leenahay raacno kuna dhaqano abaarta dad masaakiinta ah ku dhacdayna u gargaarno u damqano ilaahay tawfiiqda ha ina waafajiyo Ameeeen Ameeen

Isku soo duuduuboo odayaasha dhaqanka gobalka gabilay waxay ka midaysan yihiin jiritaanka qaranka somaliland iyo isku haynta dadka isku deegaanka ah ee somaliland wada daga.

W/Q Bahda HargeisaPress

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here