Tartanka Kooxaha Kubadda Cagta Heerka Koowaad ee Caasimadda Hargeysa oo Maalinta Berrito la Ciyaari Doono Kulamadda Quarter Finalka & Hannaanka Qurxoon ee uu ku Socdo + SAWIRRO

0
2277

HargeisaPress — Iyada oo Tartanka kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ee caasimadda oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay si qurux baddan oo habsamiya uga socday garoonka Hargeysa Stadium maalinta berrito oo Jimce ah haddii ALLE idmo la ciyaari doona kulanka ugu horeeya wareega Quarter Finalka.

Ugu horeyn, waxaan si guud ugu boggaadinayaa maamulka, macalimiinta iyo ciyaartoyda 10-ka kooxood ee tartankan ka qey-galay oo ay ka muuqatay diyaar-garaw xoogan, sidoo waxaan si gaar ah iyagana ugu hambalyeynayaa 6-da kooxood ee dedaalka sameeyay ee u soo gudbay Quarter Finalka.

Waxaan ku amaanayaa guud ahaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland dedaalka, kartida iyo sida quruxda baddan ee ay tartankan u wadaan, waxaanan ku rajo weynahay in sidaa quruxda baddan ee uu tartanku ku socdo ku soo gaba-gaboobi doono.

Waxaan iyagana mudan in aan uga mahad-celino Telefishanka True Cable TV iyo shirkadda Som Cable sida hagar la’aanta ah ee quruxda baddan ee ay iskaga kaashadeen in tartankan si toos ah daafaha dunnida looga daawado.

Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqayaa maamulka iyo ciyaartoyda kooxaha u soo gudbay Quarter Finalka inay maanka ku hayaan kuna dedaalaan sidaa quruxda baddan ee tartanku u socdo in uu inoogu dhammaado Insha Allah.

Guul iyo Gobbonimo.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye)

LEAVE A REPLY