Kooxaha Heerka Labaad ee Kubbadda Kolayga oo Tartan Uga Furmay Hargeysa + SAWIRRO

0
1689

Hargeysa,(HargeisaPress) —Tartanka kooxaha heerka labaad ee kubbadda Kolayga, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay garoonka Timacadde ee caasimadda Hargeysa shalay.

Xaflad loo sameeyey furitaanka tartankan shalay, waxaa ka qaybgalay madax ka socota Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo uu u horeeyo Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, guddoomiyaha xidhiidhka kubbadda kollayga, masuuliyiin kaloo ka socday hay’adda USAID, iyo Mercy Corps, dalladda SONYO, iyo marti sharaf badan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka hadlay ujeedada loo qabtay tartankan iyo ahmiyadiisaba, waxaannu yidhi; “Farxad weyn bay innoo tahay in  aynu joogno garoonka Timacadde oo ka bilaabmayaan tartankii ciyaaraha, ciyaarahani waxay daba socdeen ciyaaro joogto ah oo loogu talogalay in lagu dhiirigaliyo dhallinyarada Somaliland iyo isdhexgalkooda, iyo in lagaga wacyigaliyo dhibaatooyinka ay ka mid yihiin tahriibka iyo balwadaha kale, waxaanay soo bilaabmeen labaatankii bisha February oo ahayd maalintii dhallinyarada Somaliland oo ku astaysanayd maalintii dhagax-tuurkii UFO ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu u asteeyay inay noqoto maalin qarankani leeyahay.”

Guddoomiyaha Xidhiidhka kubbadda Kollayga Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciyaaruhu muhiimad weyn u leeyihiin dhallinyarada Somaliland iyo sidoo kale kooxaha tartankan heerka labaad ka qaybgalaya.

“Waxa aynu halkan si rasmi ah uga bilaabaynaa tartanka ciyaaraha Kollayga ee heerka labaad, tartankan oo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay isdhexgalka dhallinyarada. Runtii ciyaaruhu waa mid ka mid ah waxyaabaha keena in dhallinyaradu is dhexgal samayso, waxaanay runtii kaga baxaan oo ay ciyaaruhu ka saaraan qoqobka iyo qabyaaladda iyo balwadaha.  Tartankan waxaa ka qaybgali doona siddeed kooxood oo heerka labaad ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Dawladda hoose ee Gabiley, Ciyaar-same, Shaadhey Team, Calo Basketball Team, Abaarso, Axmed Guray, Timacadde iyo Jigjiga yar,” ayuu yidhi Mr. Maxamuud Qodax.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo sheegay in wasaaradiisu ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka si loo dhiirigeliyo dhallinyarada, isagoo halkaas dirays iyo agabka ciyaaraha ku guddoonsiiyey   siddeeda kooxood ee tartankaasi ka qaybgalaya.

Waxa tartanka lagu furay labada kooxood ee Shaadhay iyo Ciyaar-same, iyadoo kooxda Shaadhay ay ku badisay 21 dhibcood, halka Ciyaar-same la timmi 13 dhibcood.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY