Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Si Wada-Jira U Hirgaliyey Tartanka Orodka 5-ta Km + SAWIRRO

0
2490

Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxa maalintii shalay ahayd caasimada JSL ee Hargeysa ka dhacay tartan dhinaca orodka ah oo ay soo qaban qaabiyeen Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Jsl, Wasaarada Dhalinyarda iyo Ciyaaraha iyo hay’ada Mercy Crops oo ka qayb qaadatay hirgalinta tartankan.

Gudoomiyaha Xidhiidhka ciyaaraha Fudud Mustafe Cali Nuur ayaa isna ka hadlay

Masuuliiyiinta Wasaarada dhalinyarda iyo Ciyaraaha, Xidhiidhka ciyaaraha Fudud, Badhasaabka Gobolka M/jeex, iyo masuuliyiin ka socday haya’ada Mercy Crops ayaa xafladaasi ka hadlay iyadoo lagu gudoonsiiyey abaalmarino kala duwanaa shantii orodyahan ee ugu horeeyey tartankaasi. Tartankan oo ahaa shan Km ayaa waxa kaalmaha ugu horeeya soo galay ciyaartooyada Booliska u ordayey.  Xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Mr. Cismaan Cali Xuseen  ayaa ugu horayn faah-faahin ka bixiyey tartankan isagoo sheegay In orodkani ahaa shan Kilo-Miter oo laga soo ordayey Kaantaroolkii hore ee galbeedka lyadoo ciyaartooyaduna soo gaadhayeen wasaarada ciyaaraha Jsl. Waxaanu sidoo kale tilmaamay inay qayb ka tahay waxqabado ay siwada jira uga qayb qaateen wasaarada ciyaaraha, xidhiidhka ciyaaraha fudud iyo hay’ada Mercy Crops.

Gudoomiyaha Xidhiidhka ciyaaraha Fudud Mustafe Cali Nuur  ayaa isna ka hadlay  ujeedada uu tartankani isagoo sheegay inay tahay isdhexgalka dhalin yarada Jsl. “ujeedka tartankani ayaa ah inay isdhex galaan dhalin-yarada Jsl, waxaana sigaara uga mahad naqaynaa wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo hay’ada Mercy Crops oo qayb laxaad leh kaqaatay fulinta tartankan”. Ayuu yidhi Gudoomiye Mustafe Cali Nuur.  Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay masuul kasocday Hay’ada Mercy Crops kaas oo tilmaamay inay diyaar u yihiin markasta tartanadan oo kale inay qabtaan.  “farxad bay noo tahay inaanu kala qayb galno dhalinyarada iyo wasaaradaba tartankani, waxaanu  markasta diyaar u nahay inaanu sii wadno barmaamijyadan oo kale, anagoo qaban doona ciyaaro kale, dadwaynahana waxaanu waydiisanaynaa inay kasoo qayb galaan ciyaaraha” ayuu yidhi Mr.Colaad oo ka socday Hay’ada Mercy Crops.  Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay badha-saabka gobolka M/jeex mudane  Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), kaas oo uga mahad celiyey xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Hay’ada Mercy Crops sida qurxda badan ee ay u abaabuleen islamarkaana u qabteen tartankani. Masuuliyiinta dhalinyarada iyo ciyaaraha oo ay hogaaminayeen wasiir ku xigeenka iyo Agaasiamaha guud ee wasaarada ayaa halkaasi ka hadlay iyagoo uga mahad naqay cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgalinta tartankani.  Agaasimaha guud ee wasaarda dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa ugu horayn Waxa uu hambalyeeyey dhamaan orodyahanadii kaqayb qaatay tartankan, waxaanu sigaara u hambalyeeyey orodyahana ciidanka Booliska oo kaalmaha hore ka galay tartankan.  Agaasimuhu waxa kale oo uu mahad-naq u jeediyey Xukuumada Somaliland oo hirgalisay dhiiri galinta tartanadan, sidoo kale waxa uu u mahad naqay hay’ada Mercy Crops oo ka caawisay inay tartanka iyo kuwo kaleba hirgalinayaan, sidoo kale waxa uu mahadnaq u jeedayey dhamaan saxaafada gaar ahaan tv ga True Cable oo uu agaasimuhu ku tilmaamay inay qayb laxaad leh kaqaateen tartanka kooxaha Heerka koowaad  iyagoo si mutadawacnimo ah ugu soo gudbiya toos tartankan.

Ugu dambayntiina waxa gunaanadkii xaflada abaalmarinta lagu gudoonsiinayey orodyahanadii shanta kaalmood ee ugu horeeya ka galay soo gabagabeeyey Wasiir ku xigeenka Wasaarada dhalinyarda iyo Ciyaaraha mudane cabdirashiid ismacil kaahin. Ugu horayna waxa uu wasiir ku xigaanka wasaarada Ciyaaruhu tilmaamay sida tartanka iyo kuwo kaleba uga go’nayd wasaarad ahaan isagoo sheegay inay horeba ugu balan qaaden. Isagoo arintaasi ka hadlanaya waxaa yidhi; “Waxay kamid ahayd balankii aanu wasaarad ahaan qaadnay, waxaana mahadeeda leh Madaxwaynaha Jsl, oo markasta dhiiri galiya dhalinyarada, waxaanan sidoo kale uga mahad celinayaa hay’adan Mercy Crops iyo US AID oo iyadanu nagala qayb qaadatay”. Dhanka kale waxa uu ku dheeraday muhiimada orodku u leeyahay dhalinyarada iyo gaar ahaanba dadkeena.

“maanta halkan waxaa inoogu soo gaba-gaboobay orodkii shanta Km ahaa, waxaana muuqata in dadkeenu orodka kaga fiican yihiin ciyaaraha kale sida kubadda cagta, waxaad ogtahiin in orodyahano caana dalkeenu leeyahay oo ay kamid yihii; Mo farah, Jaamac karaaciin iyo rag kale oo iyaguna kamid ahaa orodyahano kasoo baxay dalkeena, markaa muhiimada waa in lasaaro orodka”.  Ayuu yidhi Wasiir kuxigeenka wasaarada Dhalinyarada iyo CIyaaruhu. Ugu dambayntiina waxa uu wasiir ku xigeenku abaal-marino iskugu jira hadyado, bilado, Koobab, laab-tobyo iyo lacagba gudoonsiiyey shanti orodyahan ee ugu horeeyey tartankan.

Shanti kaalmood ee ugu horeeyey; Waxaana Kaalinta Koowaad galay Guuleed Mawliid Cabdilaahi oo ka tirsanaa ciidanka booliska isagoo ku orday 17 minut 6 Second iyo 5 ilbidhiqsi. Halka uu Kaalinta labaad kagalay:  Maxamuud Ibraahim Mu’min oo katirsanaa naadiga booliska ee Goodir kaasoo ku orday 17 Minut iyo afartan second. Waxa Kaalinta Saddexaad Isna galay:   C/risaaq Cumar Cali oo isna ku cusbaa orodka si madax banana uga soo qayb galay tartankan kaasoo orday 18 Minut 9 Second iyo 86 ilbidhiqsi. Halka uu Kaalinta Afaraad galay:  Maxamed Ciise Jaamac oo ka tirsan naadiga Goodir kaasoo ku orday  19 Minit 3 Second iyo 7 ilbidhiqsi.  Kaalinta Shanaad oo uu galay:  Sharma’arke Maxamuud Muuse oo ku cusbaa tartankan, 19 Minut 6 Second iyo 4 ilbidhiqsi.

LEAVE A REPLY