Wax-qabadka Xukuumadda Siilaanyo Waxa Ka Mug Weyn Kana Khatarsan Waxyeeladeeda !!! Qalinkii Dr. Hasan Berbarawi

0
1140

maqaalMuwaadin, qoraalkani waxa uu hordhac u yahay BUUG laga qoray waxyeelooyinka Xukuumadda Siilaanyo u geysatay Somaliland.

Saxaafaddu waa caqliga iyo garaadka bulsho kasta haddii ay caafimaad qabto oo xor tahay, bulshadaasina way fayoobaanaysaa.

Waa Taxane Qaawinaya Xukuumadda Siilaanyo, Xaqiiqna u qotoma—-lagana soo qaatay buug lagu dabagalayo waxyeelooyinka iyo dhaawaca xukuumadda Siilaanyo Somliland faadhsiisay oo ka badan waxtarkeeda!

Waa run in Xukuumadda Siilaanyo waxyaalo muuqda oo indhaha dadku qabtaan qabatay……..

Waa run in ay ka firfircoon tahay xukuumaddii Daahir Riyaale kuna tallaabsatay waxyaalo badan oo uu Riyaale ku ballanqaadi jiray haseyeeshee aan uu waxba ka qaban……..

Waa run in ay qaybo kamid ah waxyaalihii ay ku ballanqaaday wax ka qabatay in kastoo ay qaar badan ku badhifurtay sida xorriyadda saxaafadda, ictiraafka iyo kuwo kale oo aan usoo noqon doono….

Iyada oo aan la dafiri karin waxyaalaha ay qabatay xukuumaddani sida kuwaas aan soo sheegay liis badanna laga qori karo, ayaa, hadana marka dhinac kale laga eego, waxa la odhan karaa WAXYEELLADEEDA……

Waxyaalaha ay qabatay waxa lagu tilmaamikaraa DHALANTEED ama SCREEN SAVER!! ……..xaqiiqooyinka hoose arag…….

  1. Xukuumadda Siilaanyo waxa ay soo celisay oo noolaysay qabyaalad qaawan…..u fiirso qaybtintii ergooyinka shirkii Kulmiye ee sida qaawan beelaha laf-lafta hoose loogu qaybiyey ee weliba meel la wada fadhiisiyey intii isku jilibka ahaydba…..u fiirso ficilkii iyo hiilkii Saleban Gaal la garab istaagay inaadeerkii Siilaanyo iyadoo marar badan oo hore xisbiyo iyo ururro la isku qabsaday weligiisna aanuu dhex galin…..u fiirso sida xisbigii Kulmiye u noqday mid afar isku reer ahi kolba dhinac u jiidaan oo uga taliyaan….u fiirso sida wasiirada Siilaanyo beeshiisa ahi wasiirada kale uga awood badan yihiin ee aan weligood loo bedelin waxkastoo ay ku kacaan, halka kuwa kale markay danaha reerka kasoo horjeestaan lagu eryayey sidii Duur, Axmed Abokor, Ramaax, Gaboose, Maxamed Cabdillahi…… u fiirso sida biyihii dadka ooman lagu waraabin lahaa qabyaaladda qaawan loogu walaaqayo……. u fiirso sida mashaariicda lacagaha deeqaha bilaa tartanka loo siinayo kolba shirkad qoyska madaxweynaha dad kamid ahi u samaysanayan sida Cabdirisaq Cumaaniga wadooyinka la siiyey, Cali Mareexaanka baasaaboorada la siiyey iyo tan qandaraaska diiwaangelinta la siinayo….. u fiirso sida waddooyinka loo kala fadhilayo ee inta tii Ceerigaabo ee deegaanka Siilaanyo maraysay nususaacaha laga uruuriyo hadda tii Berbera iyo Ceel-afweyn isku xidhaysay Siilaanyo reerkiisa gaar looga uruurinayo……. u fiirso sida hoteellada Siilaanyo isku reerka yihiin xoolaha dawladda loogu naas-nuuninayo qaarna loo furtay…… xusuuso sidii Xukuumadda Siilaanyo ugu dagaalamaysay in Maayor-xigeenka Berbera ay beeshiisu hesho ee Ramaas iyo Duur loogu eryey…… u fiirso sida ay ugu kala hiilisay dadka walaalaha ah ee Kalshaale wada degan ee ay waxba uga qabanweyday……. u fiirso sida ay warshadda Sibidhka Dahabshiil meesha gaarka ah uga siisay xukuumadda Siilaanyo si ay beesha ugu beerto Berbera…… u fiirso sidii ay sanaaduuqda iyo waraaqaha deegaanka beesha Siilaanyo loogu labanlaabayey magaalooyin dhanna aan sanaaduuq la dhigin……. u fiirso sida ay xukuumaddu ugu dedaalayso in ay beeshu markasta lahaato Maayor iyo Badhasaab…… u fiirso sababta ay xukuumaddu dagaalka cad ula gashay Shirkii Dan iyo Duco iyada oo shirarkii lamidka ahaa ee Talo iyo Tawfiiq, Hoodaale iwm. aan waxba ku darsan……..  iyo qaar kaloo badan wakhtigeedana lasoo shaacindoono……weliba kuwa qarsoon.

La soco qaybaha dambe……….adna ka qaybqaado oo soo gudbi wixii aad ku darsanaysid ama faalladaada……KUNA SOO DIR hassanberbera2000@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here