Hebel haadba ma haysto Falanqayn Doodii Jimcaha ee BBC Somali 17/02/2017

0
2878
Ahmedyasin sh Cumar Ahmed furre

Waxaa igu filnaatay kalmad cajiiba oo si fudud dadku isku tuurtuuri jireen oo ah hebel haadba ma haysto.

Waxan loo dirirayaa loo kala qaloonayaa ninba dhinac ujeediyay ma cudur daansha socodoo inagu faafaybaa mise Dareenkalaa jira mise danta guudbaa ninba dhinac ka joogaa oo ay isaguun la saxantahay ma inagaan haadba haysan oo kolba haadkii inagu soo baxa isu qaybinayna .

Saxdii iyo khaladkii waa lagu kala qaybsan yahay dadkii iyo duqaydiiba waa la kala leeyahay dagalkii iyo deegaankiiba sibaa loo kala sheegtay waxay maraysaa inaad hebel si fudud ku jeclaato hebelna si fudud ku nacdo, waxaa soo raaca meelahan dadku is arkaan oo markaaba aragtida aad bixi is tiraahdo sawir habaysnaa cover-kiisii lagula doonto kurkana laguu galiyo.

Waxaan la yaabay wixii danteena ah sidii loo qaban lahaa waa dood inaguun inoo furan balse hadii colkale oo aydaan isu xero ahayni daf kusoo yidhaahdo goormuu midkeen wehel u noqday Dooddii Jimcaha Ee Bbc somali laga sii daayay waxay kulmisay Khuburo soomaali ah laakiin aan isku dan ahayn waan dhagaystay horta si cadaalad ah looma soo diyaarin oo dhinacyada dooddayay tiro ahaan way kala badnaayeen 1:4 sidoo inta dan wadaagtii 2 qof kamay badnayd balse haba dhacdee mawduuca doodda oo ahaa Saldhiga militari ee berbera Somaliland laguma koobnaanin aan magac dhabo khuburadaas Prof Cabdi ismaaciil samatar wasiir Maxamuud xaashi, Gudoomiye C/rahmaan cirro , Macalin jaamacadeed

Prof Cabdi ismaaciil runtii wuxuu leexiyay ujeedaddi doodda isagoo taabtay si xirfadaysan dhayalsina ka muuqato Qadiyada Somaliland wuxuuna uga faaidaystay mawduucan lala jeclaaday ee Bbc somali kusoo casuuntay

Gudoomiye cirro wuxuu isna aad ugu jiibiyay Prof cabdi oo taraaray una eekayd allow colkayga col ku beeg, inkastoo uu sharcigii loo baahnaa in la maro aad ugu adkaysanayay in la baal maray

Raggii kalena waxay markhaati fureen in sharci ahaan la khalday ,

Wasiir maxamuud xaashi wuxuu si adag ku difaacay in gaf tahay in prof cabdi uu yaraysto Magaca somaliland sidoo kale mawduucii taagnaa intii jaanis loo siiyay ku dhuftay oo hadii dib loo dhagaysto kuu muuqanaysa in uu kali ku noqday difaaca somaliland qaranimadeeda waanan ku diirsaday hal adaygnimadiisii uu kula babac dhigay 4nin ee isku aragtida ahaa

Hadaba inta danwadaagta ah ee somaliland-nimo ka dhaxayso ma dagaalada hoose ee doodda danta inaga dhaxaysa ayaynu isu seegnaa oo banaanka duurjoogtu inay ina midha midhaysato ku diirsanaa mise waynu cilmiyaynaa doodaha dan wadaagta ka nahay waa hadda inta somalilandnimo ka dhaxayso maaha inta isku qabiilka ah.

Miyaynaa dal jirra ahayn miyaynaa dad jirra ahayn doraadbaynu lahayn waa khalad maantana sibaan ugu meel dayayaa waa duul jabow yaa ku leh .

Mawduucani waxay ku qurux badnayd intii Danwadaagi dhextaalo (stake holders) cilmi nafsi badan ayaa inagu dhex raftay oo nacayb iyo jacayl ay abuurtay sabab aan sal iyo raad toona lahayni waxaad arkaysaa dhalinyar dooddu lumisay oo hadhkii prof cabdi iyo ragii kale u gacan haadisay jacayl amaan ahna kula kufay.

Anigu waxaan kusoo koobayaa yaan lagu yaraysan sawir gacmeedkana run lagaaga dhigin wixii khaladee dhacay cilmi nafsi nacayb ah haku jawaabin hadii aynu wax saxaynu cida ay khusayso kala dood ku dhaliil oo kula xisaabtan

Maansadaa jacburka ahna bal iga rasee anaa itaalkayga isku rakibay

Danbiile qaranbaa

musduleedka joogee

Intuu diiday guushii

Dabar ila beegsanaayoo

Birmagaydadaydii

Dhalintiyo barbaartii

Dhalanhabaabis u diraya

Alahayow wixii noo danna

Khayrkeeda nagu sim

Ilaahay kuwii haadka saxan raaca ha ina dhigo

Mahadsanidiin

W/QORAY: Ahmedyasin sh Cumar Ahmed furre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here