Gudoomiyihii Sarriflayaasha Somaliland oo Saldhiga Hargeysa Ku Dhex Geeriyooday Xalay iyo Wiil Uu Dhalay oo Ka Hadlay Geerida Aabihii Ku Timi iyo Cidda Bixisay Xadhigiisa

0
6579

Hargeysa,(HargeisaPress) —Caydaruus Cabdilaahi Cali oo ah wiilka uu dhalay alla haw naxariistee gudoomiyihii sarriflayaasha Somaliland Cabdilaahi Cali Barre oo saaka ku dhex geeriyooday saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa kadib markii ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay shalay ayaa shaaca ka qaaday cidda bixisay xadhiga lagu xidhay aabihii,waxaana uu sheegay in aanay ila hadda garanayn sababta aabihii loo xidhay.

Sidoo kalena waxa uu fariin adag u direy madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Dhakhaatiirta cusbitaalka way nee magaalada Hargeysa ayaa wali ku guda jira baadhitaanka sababta uu u geeriyooday gudoomiyihii hore ee sarriflayaasha Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY