Nolol La Xasuusto Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 7aad

0
1089

“Things fall apart, the centre cannot hold;”

The best lack all conviction, while the worst

Are full of passionate intensity”

William Butler Yeats

La kala daaday udub-dhexaadkii

Xejin-waa Hal-doorkii

Oo afkii juuqa gabay iyo

Daad-xoortii oo botorinaysa”

William Butler Yeats

William Butler Yeats (1865 – 1939), waxa uu ahaa Gabayaa u dhashay dalka Ireland, tuducan waxan ka soo qaatay Gabaygiisa lagu magcaabo; “The Second Coming.” Horraantiisii 1960 markii la filayey xornimadii Somaliland, ayaa xukuumaddii Maxmiyaddu Madaxdii Guddiga Shaqaalaha Soomaaliyeed oo aan ka mid ahaa wada-tashi ugu yeedhay. Waxa naloo sheegay in Dawladda Maxmiyadda Somaliland ay u shaqeeyaan shaqaale Ingiriis ah iyo kuwa Hindi ah iyo idinka oo Soomaali ah.

Haddaba, qoladii Ingiriiska iyo Hindida ahayd waa ay qaateen xuquuqdoodii, idinka Soomaalida ihi miyaad qaadanaysaan xuquuqdiina, mise Dawladda Somaliland ee dhalanaysa ayaa la idiinku wareejiyaa? Kadibna waxa aannu u sheegnay Madaxdii Dawladda Maxmiyadda Somaliland in aannu ka soo tashanaynu arrintaas.

Waxa dhacday annaga oo shir qabsanay oo shirkii fadhina, ayaa naga war helay afartii Wasiir ee la magacaabay ee Soomaalida ahayd, kadibna laba Wasiir oo ka mid ah ayey noo soo direen, waxayna shirkii ka jeediyeen qudbad ay nagu beer-laxawsadeen, iyaga oo leh; “Idinka ayaa na doortay, idinka ayaa dalkii oo dhan nagu aaminay, ma xuquuqdiina ayaad nagu aamini waydeen?” halkaas ayey ka garaaceen. Markii ay qudbadii dhammeeyeen ayaa sacab la isla oogsaday oo lagu yidhi; “Waa idinku aaminay.”

Dawladdii Maxmiyadda ayaa aan u sheegnay go’aankii ahaa in xuquuqdayada lagu wareejiyo xukuumadda dhalan doonta ee la filayo, iyada oo markii xornimadii la qaatay 26 June 1960-kii, lixdii bilood ee hore waxa lagu waday dalka xuquuqdayadii.

Dhawr qof oo muddo badan soo shaqaynayey ayaa hoos ahaan u qaatay xaqoodii. Markii Askartu la wareegtay talada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee ay boobtay 21 October 1969-kii, ayaa qolayadii reer Somaliland ee shaqaalaha ahayd u tagnay Maxamuud Cabdi Carraale oo Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay.

Maxamuud Cabdi Carraale waxa uu hore u ahaan jiray markii xorriyadda la qaadanayey Xisaabiyaha Guud ee Maxmiyadda Somaliland, sidaas darteed waa uu la socday sheekada xuquuqdayada, waxaananu weydiisanay inuu noo raadiyo xaqayagii, halka qolada Reer Soomaaliya ay Dawladdii Talyaanigu siisay xaqooda sannadkii 1950-kii.

Markii qoladii Reer Koonfureed maqashay arrinkii ayey Askartii u tageen oo ku yidhaahdeen; “Wasiirka Maaliyaddu Reer Waqooyigii ayuu lacag siinayaa.” Dabadeed, Wasiirkii amar ayaa lagu riday lagu joojiyey hawshayadii uu noogu raadinayey xuquuqdayadii naga maqnayd. Sidaas ayaanay u luntay xuquuqdayadii.

Haddaba, mar aan Hargeysa tagey sannadkii 2005 ayaan qolo kula kaftamay, “Haddii la soo noqotay xorriyaddii Somaliland, dee marka Dawladdu hana siiso xaqayagii.” Kadibna waxa la iigu jawaabay; “Shaqaalaha hadda u shaqeeya Dawladdu, iyaba xuquuq ma leh.” Waa yaab!

Afar sanno

1960 ilaa 1964-kii waxaan ku qaatay oo aan ka mid ahaa Ardayda Reer Somaliland ee wax ka baranaysay London ee carriga Boqortooyada Midowday (UK), oo markaas ahayd magaalada ugu weynayd dunida, isla markaana ugu dad badnayd. Ardayda Reer Somaliland waxa badi joogeen magaalada London dibaddeeda.

Waxay ahayd inaan ku abyo waxbarashadayda saddex sanno, hasa yeeshee waxan u baahday sannad afraad, nasiib-wanaag waxa London boqosho ku yimmi Wasiirkii Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ahaa markaas marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasoo ii oggolaaday sannadkii ahaa korodsiimada.

Muddada dheereyd ee aan joogay waxaan gacan siiyey nin la odhan jiray Dr. Abraham oo qorayey Qaamus Af-Ingiriis iyo Af-soomaali isku tarjumaya iyo mid Af-soomaali iyo Af-Ingiriis isku Tarjumaya. Labadii Qaamuusba waa soo baxeen, hadda ku darsoo xilligaas Af-soomaaligu far rasmi ah ma lahayn. Qorahu waa igu xusay kaaliintii aan ka qaatay markii la dabaacay Qaamuuska.

Sannadkii 1962-kii ayaan dalkii fasax ku immi dalkii oo xor ah oo xafiisyadii ay Soomaali wada fadhidu oo mushaharkii la korodhsaday oo dhaqaalihii iyo baayac-mushtarkii kordhay, aniga oo Hargeysa ilaa Ceerigaabo socday. Waxa aan sitaa Baasaaboor Ingiriis ah oo dalka fiise ayaan ku soo galay.

Haddaba, markaan noqonayey waxa diyaaraddii ila sii raacay laba gabdhood oo Soomaaliyeed oo soo barnayey kalkaalisnimada (Nursing), waxan xusuustaa markii ay diyaaraddu Buuraha Dhaadheer ee la yidhaahdo Alps ee Yurub ay kor maraysay ayey dhawr jeer hoos u dhacday, taas oo naga nixisay gaar ahaan hablihii oo qayliyey, kuna tiraabay; “Alla waa dhacaysaa.”

Laba sanno oo dambe ayaan sii joogay London, kadib markii ay waxbarashadii ii dhammaatay ee aan dalka ku soo noqonayey, waxan soo raacay markab kuwa dalxiiska ah oo ku socda Cadan – Yemen. Waa sheeko dembe waayo-aragnimadaasi.

LEAVE A REPLY