Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan la Qaatay Guddiga Abaaraha Gobolka Sool iyo Xisbiga oo ku wareejiyey $40,000 + SAWIRRO

0
1143

Laascaanod,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Biyaha Xuseen Cabdi Boos, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Caddaani iyo xubno kale, ayaa Kulan ballaadhan la qaatay guddiga abaaraha gobolka Sool.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayey qaar ka mid ah gobollada bari ee Somaliland oo ay ugu kuurgalayaan xaaladda abaaraha ee sii daraysa maalinta maalinta ka dambaysa, waxay kulan is-xogwaraysi ah guddiga abaaraha ee Sool kula qaateen magaalada Laascaanood.

Guddiga Abaaraha ee Gobolka Sool waxay weftiga warbixin ka siiyeen xaaladda guud ee Gobolka iyo siyaabaha abaartu u saamaysay bulshada gobolka, iyagoo soo bandhigay warbixin qiiro leh oo la xidhiidha saamaynta abaaraha ee Gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir oo ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay inay xukuumadu ku dedaalayso in loo gurmado dadka abaaraysan isaga oo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada gobolka.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna ka hadlay madasha, ayaa tilmaamay inay gobolka u yimaadeen hawlaha abaaraha iyo soo dhamaystirka hawlo badan oo qabyo ahaa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in la isu naxariisto, isagoo xusay in xisbiga KULMIYE wixii awooddiisa ah kaga qaybgalayo gurmadka abaaraha dalka, waxaannu halkaasi guddiga abaaraha ku wareejiyey $40,000 (Afartan kun oo doollar) oo xisbiga KULMIYE ugu talogalay gurmadka abaarta ku dhufatay Gobolka Sool.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here