FIFA Oo Wada Qorshe Ay Ku Xakamaynayso Hab Dhaqanka Ciyaaryahanada

0
1737

HargeisaPress —Xidhiidhka Kubbada Cagta adduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeedho “FIFA” ayaa damacsan inay hirgaliyaan, qorshe ay ku damacsan yihiin in Kabtannada kooxaha oo kali ahi la hadli karaan Garsoorayaasha, kaas oo lagaga dayanayo ciyaarta Ruby-da.

Untitled2FIFA waxay doonayaan qorshihii lagu yarayn lahaa hab dhaqanka ciyaaryahanada ee ciyaarta dhexdeeda, sida uu sheegay halyeygii xulka qaranka Holland ee Marco van Basten.

52 sano jirkan, oo ah Madaxa Xafiiska Horumarinta arimaha Farsamada ee xidhiidhka kubbada cagta aduunka, ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin sidii loo yareyn lahaa tirada dhacdooyinka ay qaar kamid ah ciyaaryahanadu ku wajahaan ama kula murmaan garsoorka.

Van Basten ayaa soo qaatay – habka ama shuruucda ciyaarta Rugby-da oo kabtanada kooxaha oo kali ah u ogol inay la hadlaan garsoorayaasha, si ay u yaraato caddadka wakhti ee ku lumaya inta muranku socdo.

“Waan hubaa anigu in la sixi karo oo la wanaajin karo dabeecada ciyaaryahanada. Taas ayaanu ka fikiraynaa si aanu jidka saxda ah ugu ridno,” ayuu ku yidhi idaacada BBC.

“Waa inaanu si weyn uga taxadarnaa wakhtiga badan ee lumaya. Hab dhaqanka ciyaaryahanada, Qaar badan baa jira oo muran uun abuura marka ciyaartu socoto. Waa innaanu ka fikirka qorshe keeni kara in kabtanka oo kali ahi garsooraha la hadli karo, ee aanu qof kastaa la doodi karin, sababtoo ah arinkaas wakhti badan oo ciyaarta kamid ahaa baa ku luma.

“Waxaanu rabnaa kubbad cag oo wanaagsan, Xiise leh, sidoo kalena daacadnimo ku jirto. Xamaasad ayay ciyaaruhu iska leeyihiin, laakiin waa in inta badan la xakameeyaa. Dadku waxay rabaan inay dhacdo qurux badan daawadaan.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here