“Rajo Ku Noolaada” – Cristiano Ronaldo oo muuqaal qiiro ah u diray shacabka la xasuuqayo ee Aleppo – Syria

0
2124
Cristiano Ronaldo

HargeisaPress —Cristiano Ronaldo ayaa cabiray sida uu uga xun yahay, xasuuqa caruurta iyo shacabka reer Syria ku socda khaas ahaan shacabka magaalada Aleppo, muuqaal qiiro iyo murugo badani ka muuqato ayaanu ku baahiyey barihiisa Bulshada.

Laacibka Real Madrid iyo xulka Portugal ee Ronaldo wuxuu u diray, caawimo gargaarka degdega ah magaalada Aleppo, taas oo isugu jirtay, dhar, dawooyin, iyo agabka daryeelka caafimaad ee carruurta, hayada uu mariyey taakuladiisa ee Save the Childerena, waxay sheegtay in guud ahaan shacabka Syria ay deeqdan uga faa’iidayn doonto.

‘Waxaan ugu talo galay carruurta reer Suuriya,’ ayuu Ronaldo ku yidhi, fariin muuqaal ah oo uu Jimcihii ku baahiyey baraha bulshada.

‘Waan ka war qabnaa inaad xaalad qalafsan ku dhex jirtaan, oo dhibaataysan tihiin. Anigu ciyaaryahan caan ah baan ahay, laakiin idinkaa ah geesiyadii dhibta ahaa. Rajo ku noolaada oo ha rajo gabina. Adduunku idinkuu idinla jiraa. Waan idin daryeelaynaa. Aniguna idinka ayaan idin garab taaganahay.’

Magaalada – Aleppo ayaa xasuuq balaadhani ka dhacay, kaas oo ka socday mudo afar sanadood ah oo ay ku dhex dagaalamayeen Xulafada Mucaaradka iyo xoogaga ciidanka dowlada, tan iyo Khamiistii markaas oo mucaaradku ka baxeen magaalada, awoodii iyo gacan ku hayntiina u gacan gashay ciidanka dowladda markii ugu horeysay tan iyo 2012.

‘Cristiano Ronaldo caawimada deeqsinimada ah ee uu na soo gaadh siiyey waxaanu ku taageeri doonaa caruurta ku nool magaalada Aleppo iyo kuwa guud ahaan Suuriya, Kuwaas oo la ildaran isla markaana aan haysanin, wax kasta oo aasaaskii nolosha kaabe u aha,’Agaasimaha hayadda Save the Children – Nick Finney ayaa sidaas ku yidhi, warsaxaafadeed uu soo saaray.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here