Real Madrid Oo Xayiraadii Suuqa Iibka Ka Saarnayd Laga Khafiifiyey

0
1345

HargeisaPress —Kooxda Real Madrid oo xayiraadii iibsiga ciyaaryahanada ka saarnayd oo  lagu soo koobay hal sano suuqii, kadib markii ay ku guuleysteen racfaankii ay u gudbiyeen, maxkamada dhex-dhexaadinta ciyaaraha ee magaceeda loo soo gaabiyo (Cas).

Kooxda reer Spain, ayaa laga xayiray markii hore, laba suuq kala iibsi inaanay fooda soo gallinin, waxaana ganaaxaas saaray xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA.

Bishan January oo kaliya ayaanay ciyaaryahan la soo wareegi karin, laakiin xagaaga dambe si caadi ah ayay uga adeegan doonaan, sida uu dhigayo xukunka ay maxkamada ciyaaruhu u riday.

Naadiga sidoo kale waxaa laga yareeyey, ganaaxii lacageed ee saarnaa kaas oo ahaa, 360,000 oo faranka wadanka Swizerland ah (£282,000), waxaana looga dhigay Sfr 240,000 (£188,000).

Labada kooxood ee Spanish ka ah, kana wada dhisan caasimada ee Real iyo Atletico Madrid, ayaa xayiraad laga saaray iibsiga ciyaaryahanada cusub, kadib markii lagu eedeeyey inay jabiyeen, shuruucda u taala soo iibsiga ciyaaryahanada ajanabiga ah ee da’doodu ka yar tahay 18 jirka.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo naadigu baahiyey, ayay Real ku tidhi sidan: “Go’aankani wuxuu hoosta ka xariiqayaa, cadaalad daradii xayiraadii hore ee Fifa na saartay, walow naadigu ka xun yahay sida CAS, ay uga gaabiyeen inay dhamaan xayiraadaas meesha ka saaraan.”

Wax war ahi kama soo bixin, xayiraadii iyo ganaaxii lacageed ee saarnaa kooxda kale ee Atletico oo iyaduna sidan Real oo kale racfaan ka gudbisatay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here