KHATAR-Fadal Iyo Faratoon Oo Fududeeyey Dhagar Qarsoodi Ah oo Ay Jabuuti U Maleegayso Somaliland Iyo Qorshe Ay Kaga Hortagayso Bilaabista Mashruucii DP World

0
2899

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon)iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaam Ayaa Maanta Galay Khaladkii Ugu Weynaa ee dhinaca Diblomaasiyada Gaar ahaana Dhinaca Sahanka Ciidamada Qalabka Sida Iyo Saanada Hub ee uu Leeyahay dal Ku yaala Geeska Afrika Sheegtana inuu ka madaxbanaan yahay Somaliya inteeda Kale Laguna Magcaabo(SOMALILAND)

Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Aynu Jaarka Nahay ee Jabuuti iyo Wefti uu Hogaaminayo Ayaa Laba maalin ka hor Waxaa ay Safar ku Yimaadeen Hargaysa iyagoo Isla Shalay Qasriga Madaxtooyada Somaliland Kula Kulmay Madaxweyne Siilaanyo Kulankaasi oo ahaa Mid Warbaahinta Laga Weeteeyay Waxaa Markii uu soo dhamaaday Saxaafada u sheegay Wax ka duwan Wixii Lagu Wadahadlay Afhayeenka Madaxtooyada,Wasiir Faratoon iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Jabuuti

Hadaba Maanta Waxaa Ay Xubanaha Jabuuti Waxaa si Aan Gabasho lahayn Una Ekeyd Qorshe La isku Raacsan Yahay Qolqol Loo Geliyay Loona Tusay Dhamaanba Xeryaha Kala Duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland Sida Milatariga,Booliska Iyo dabdamiska Lamana Garanayo Sababta Halkaasi Loo Tagay iyo Shaxda ay Ciyaarayso jabuuti oo Ku Hawlgasha Hagardaamada Soomaalida Si ay U Gaadho Guul Iyo Horumar Maadaama Ay Dad Ahaan iyo Dal Ahaanba Ka Yar Tahay Bedka Deegaanka Dhuleed ee ay degan Yihiin Soomaalida Kale

Dhacdooyin kala Gedisan ayaa ee Soo Kala Dhex Maray Somaliland iyo Jabuuti Aya waxaa Ka Mid Ah Sanadkii 1997 ayaa wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland alla ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal waxaa uu socdaal ku tegay wadanka Jabuuti halkaasi oo uu ka socday shir ay lahayeen wadamada Igad ayna ka soo qayb galeen madaxda  ururka Igad ku jirta, Shirkaasi oo ay gudoominaysay doorkaa Jabuuti, Madaxweyne Cigaal iyo wefdigiisi waxaa loo diiday inay shirka ka hadlaan, waana laga xayiray dhaqdhaqaaqyo iyo kulamo ay la yeelan lahayeenba  wufuudi shirkaa ka soo qayb galay, balse Wefdigii Madaxweyne Cigaal Markiiba wuu ka soo baxay Jabuuti , markii uu Madaxweyne Cigaal soo gaadhay Madaarka  Hargeysa wuxuu dhaleecayn dusha uga tuuray Maamulka Jamhuriyada Jabuuti, waxaa halkaa ka bilawday shaki badan iyo weliba Colaad diblomasiyadeed oo labada wadan u bilaabantay.

Alle ha u naxariistii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo arrinta ka xanaaqsan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha, waxaan hadalkiisii ka mid ahaa “Beribaa kaneeco fuushay Maroodi, ka dib markii ay ka sii duulaysay Maroodiga ayay u sheegtay maroodigii inuu is xejiyo oo ay ka duulayso. Macnaha Maroodi muxuu ka ogyahay kaneeco fuushan hadday duusho iyo hadday saarnaataba.”Ayuu yidhi Alle ha u naxariiste Madaxweyne Cigaal

Heshiiskii Dp World Taasi Ay Jabuuti oo Dal Ahaan Ah Dal Bixiya Adeeg yar Oo Dakhligiisa Iyo Qaniimaddiisu Ba Ku Dhisan Tahay Dekedda Jabuuti Iyadoo Ay Aad Uga Cadhaysiisay Jabuuti Oo In Deked Kale Laga Ag Sameeyo Oo Tartan La La Galaa Culeys Dhaqaale  Ku Tahay Dalkeeda Xiligaasi oo Ganacsade Boore oo Ay Isku Kacsan yihiin Ismaaciil Cumar Geelena uu kasoo dhex Muuqday Madashii Lagu Kala Saxeexanayay Heshiiska Ay Wada Galeen Somaliland Iyo Dubai World.

talaabadii xukuumadda Somaliland qaaday ee ay heshiiska kula gashay DP World ayaa xukuumadda Jabuuti u aragtay mid halis ku ah, isla markaana waxa durba soo baxaya warar tusmaynaya in Jabuuti si wayn uga cadhootay heshiiskaa. Sidoo kalena ay bilowday dagaal diblomaasiyadeed oo dhan ka ah Somaliland, una aragto in Somaliland soo dhawaysay cadawgeedda, gaar ahaan Cabdiraxmaan Boore oo ah ganacsade dibad meer ka ah jabuuti tan iyo markii uu ka baxsaday dalkiisana dagaal adag oo dhan kastaba ahi uu ka dhexeeyo Ismaaciil Cumar Geelle. halka dhanka Somaliland ay dadka ka hadlay qaarkood u soo dhaweeyeen heshiiskan sababo la xidhiidha Jabuuti buu lid ku yahay.

https://youtu.be/cOvEdS7UluY

Dhowr Jeer Oo Kala duwan Isku dhac Ciidan Ayaa dhex Maray Labada Dal Taasi oo ay Daandaansiga Lahayd Jamhuuriyada Jabuuti Waxaana Xusid Mudan Tii ugu Danbeysay ee Lagu Toogtay Askarigii Ka tirsanaa Ciidamada Bada ee Maraakiibta Jabuuti ku dileen Xeebaha Saylac  Taasi oo Keentay  In Wasiirkii Hore Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde uu Raaligelin Siiyo Jabuuti Oo jabkaasi Gaysatay Xili Ay shacabka Somaliland Baadigoobayaan Siyaasyiin La Jaanqaada Jalabutaynta Ka Socota Geeska Afrika

Cabdillaahi Geeljire oo hore wasiir uga ahaa xukuumadda Siilaanyo, haatana ka mid ah siyaasiyiinta muxaafidka ah ayaa isna hadal uu siiyay warbaahinta ku sheegay, in reer Somaliland ay aad uga xumaadeen qaabkii Jabuuti loogula dhaqmay hab maamuus ahaan madaxweynaha Somaliland hoolkii foolladaynta Ismaaciil Cumar Geelle gudihiisa. Sidoo kale masuuliyiin xilal ka haya xukuumadda Somaliland ayaa laga dareemayay in khilaaf hor lihi ka dhex curtay Somaliland iyo Jabuuti.

Baasaaboorka Somaliland ayaa lagu galaa Wadamo Badan oo ku yaala Africa oo ay Saaxiibtinimo ka d haxayso Dalka Somaliland kuwaasi oo Somaliland ula dhaqma sida Dalalka kale Caalamku Ictiraafsan yahay, Iyadoo Wakhtigii Madaxwayne Axm ed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) safarka ugu kicitimay Dalka jabuuti Waftigii la socday loogu dhuft ay Baasabooradii shaabada Dal ku galida balse intii ka danbaysay Madaarka lagaga reebo Taasi oo sumcad xumo ku ah Xidhiidhka labada Dal oo aad moodo in mudooyinkii ugu danbeeyay u aad u wanaag sanaa balse arintani Raad xun ku Reebi karto haddii aad la daboolin.

Arinta Fajaca Noqon karta ee Safarkani weftiga Jabuuti ayaa Ah Sababta Ay u doorteen Booqashada iyo Indha-indhaynta Xeryaha Ciidamada,Miiska Saraakiisha iyo Goobaha ay yaalaan Saanada Ciidamada Kala duwan ee Somaliland xili ay dalka abaaro Baahsani ka Jiraan isla markaana Looga fadhiyay Ka qayb qaadashada Samatabixinta Shacabka Somaliland ee La daaladhacaya Abaaraha Daba dheeraaday

Isku Soo Wada Duuboo Ugu Danbayn Waxaa Ay Saraakiisha Dawlada Jabuuti si Arsmi ah u Tirakoobeen Saanada Ciidan iyo Cududa Dalka Somaliland Taasi oo ay ku Ogaanayaan Hadiiba Damac Yimaado in Somaliland Leedahay Ciidan Wax iska Difaaci Kara Waxaana Xogaha aanu Helaynaa Tibaaxayaan Inuu Qorshahani Salka ku Hayo Kala Kicinta Mashruuca Samaynta iyo Casriyaynta Dekeda Berbera iyo Bilowga Wershad Sibidh oo ay Yeelato Somaliland Xili uu dalkaasi ka Hortagayo Koboca Dhaqaale ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY