Ilaa 29 qof oo ku dhintay qaraxyo Ka Dhacay Istanbul Turkiga + SAWIRRO

0
993

Istanbul, (HargeisaPress) —Ilaa 29 qof ayaa ugu yaraan ku dhintay qaraxyo labo ahaa oo xalay ka dhacay magaalada Istanbul dalka Turkiga.

Qaraxyada ayaa ka dhacay garoon lagu ciyaaro cayaaraha isboortiga. Ilaa 70 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaas.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa lala eegtay gaari boolis oo taagnaa dibada garoonka oo kubadda cagta lagu ciyaaro. Ciyaar ayaa markaa lagu soo gabagabeeyay halkaa.

Daqiiqado kadib ayaa qarax labaad oo ka dambeeyay qaraxaa kowaad  uu halkaa ka dhacay waxaana is qarxiyay qof naftii hure ah.

Dawlada Turkiga ayaa ku eedeysay qaraxyada jabhada Kurdiyiinta oo dooneysa gooni isu taag.

 

LEAVE A REPLY