Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Somaliland oo ka hadlay Xidhitaanka Tartanka Ciyaaraha Gobolada Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeeyay Hargeisa Stadium.

0
1133

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Somaliland Maxamud Xasan C.laahi (Qodax) ayaa ka hadlay Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeeyay Hargeisa Stadium.

 

Gudoomiye Qodax ayaa bartiisa Facebook, waxa uu ka hadlay tartankaasi , waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:

 

“Xafladaas waxaa kasoo qaybgalay madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland, waxaanu goobtaas ku gudoonsiiyay koobabkii tartamada kubadda cagta, basketball iyo orodada iyo sidoo kale jaaisadihii laaciibiinta iyo tababatayaasha.

ttTTA

Ilaahaybaa mahad dhamaanteen u sugan tahay, noona suurtagaliyay in sidii ugu wanaagsanayd in ay noogu dhamaatay hawshaas qaran ee baaxada lahayd.

 

Ugu horeyn waxaan hambalyo mar labaad udirayaa kooxaha kubada kolayga iyo cagta ee Saaxil iyo Awdal ee ku kala guulaystay 2 tartan ee cagta iyo basketballka. Sidoo kale waxaan hambalyaynayaa 2 koocood ee finalka soo gaadhay ee kala ahaa gabiley iyo saaxil oo dadaal badan sameeyay. Runtii tartankani waxaan odhan karaa wuxuu ahaa midkii ugu waynaa abid tartamada ciyaara gobolada ee Somaliland iyo sidoo kale kii ugu xamaasada badnaa, uguna daawashada badnaa.

15036492_1360911067253806_2813909425543451743_n

Saaxafada, gaar ahaana social media (Facebook) ayaa door muhiim ah xamaasadiisa ku lahaa. Runtii waxaan umahad celinayaa guud ahaan xukuumada Kulmiye oo iyadu dhaqaalaha tartankan gabi ahaantiisaba bixisay. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa ciidamada amaanka, wasaarada maaliyada iyo madaxtooyada oo iyagu heegan noo ahaa tan iyo qaban qaabadii tartanku intii ay socotay.

334

15094329_1360914267253486_210350236007904564_n

Ugu danbayn waxan si aad ah ugu mahad celinayaa hawl-wadeenadii xidhiihdka, garsoorayaashii iyo gudiyadii kala duwanaa iyo gudidii heer qaran ee qaban-qaabada ciyaaraha gobolada ee uu gudoomiyaha u ahaa Mohamed Hussein Dhabeeye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here