Wefti Balaadhan Oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenku Oo Safar Shaqo Ku Tegay Gobolada Saaxil Iyo Togdheer + SAWIRRO

0
1132

Burco, (HargeisaPress) — Wefi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayna ka mid yihiin Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir Dawlaha Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Mahdi Cismaan Buuri Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka  Xasan Daahir Dhinbiil, Wasiir Ku Xigeenka Waxbarasahda iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Cabdi Aw Shaacir , Maayirkii hore ee Caasimadda Hargeysa  Eng Xuseen Maxamuud Jiciir hadana ah Masuulka Hormuudka Xafiiska Maamul Daadejinta.

IMG_0336

Ujeedada Weftiga uu hogaaminayo  ku simaha Madaxweynuhu ayaa ah Kormeerka iyo xogagaal u noqoshada Habsami u socodka Maamul daadejinta Mashaariicda JPLG ee laga fulinaayo Degmooyinka Berbera, Sheekh iyo Burco iyo sidoo kale u Kuur gelida xaalada Abaareed ee Gobolada Bariga , Waftiga uu hogaaminaayo Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalooyinka Bebrera, Sheekh iyo Burco iyadoo Maamulada Degmooyinkaasi ee  heer gobol iyo heer Degmaba ay si heer sare ah usoo dhaweeyeen.

IMG_0222

Waftigu markii uu soo gaadhay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa waxaa ay ka qeyb galeen munaasibad loogu talo galay is xog waraysiga oo ay soo qaban qaabisay Dawladda hoose ee Magaalada Berbera ayaa waxaa Madashaasi Madaxweyne ku xigeen ku uu Warbixino kala duwan kaga dhegaystay  Maayirka Degmada Berbera, Xogyaha Dawladda Hoose iyo Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Gobolka Saaxil , dhamaantoodna Masuuliyiintaasi waxay xogwaraysigooda kaga warameen  halka ay marayaan Mashaariicda JPLG ee Degamda Berbera iyo siyaasabaha ay uga faaidaysteen, sidoo kalena waxa ay sharaxeen waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay socdeen mashaariicdaasi.

IMG_0186

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa si waafiya uga waramay socdaalkooda ku wajahan Degmooyinkaasi, waxaana uu xusay inay u socdan xogagaal u noqoshada Xaalada abaareed ee Gobolada Bariga iyo Habsami u socodka hanaanka maamuul daadejinta Mashaariicda JPLG kuwaasoo ah  nidaam loo baahan in lagu sameeyo maamul daa dejin islamarkaana ay tahay  in laga faaidaysto oo loo maamulo qaabka ugu wanaagsan ee looga faaidaysan karaayo, waxaana uu Degmada Berbera ku booriyey hanaanka wanaagsan ee ay u maamuleen mashaariicdaasi oo ay xooga saareen Waxbarashada iyo Caafimaadka , Madaxweyne ku xigeenku waxa uu masuuliyiinta kula dardaarmay in ay halkaasi kasii wadaan dedaalka siina laba jiraabaan si loo helo maamul daa dejin buuxda oo shacabka baahi tirta.

IMG_0335

Sidoo Kalena Weftiga uu horkacaayo Mudane Cabdiramxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa usoo kicitimay dhanka Degamda Sheekh oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxana uu kulamo la qaatay Maamulka iyo Masuuliyiinta Degamda isagoo ka xaal waraystay  halka ay murayaan mashaariicdii JPLG iyo waxyaabaha u qabsoomay , dhankoodana  waxa  ay Maamulka Degmada si hufan uga warbixiyeen hanaanka ay u socdaan Mashaariicda JPLG iyo siday u maamuleen islamarkaana maamul daa dejintu u gaadhay shacabka Degamda Sheekh, iyagoo ka jawaabay su’aalo halkaasi lagu waydiiey  Ugu danbayntiina waxaa mahad balaadhan usoo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka isagoo ku amaanay doorka ay ka ciyaareen sidii Degamdu u gaadhi lahayd maamul daa degsan si bulshadu u hesho adeegyo hufan una fahmaan qaabka iyo hanaanka maamuleed si mustaqbal ka loo helo nimaadan waanagsan oo wax lagaga bedeli karo caqabaha hortaagan horumarka dalka.

IMG_0341

IMG_0113

IMG_0048

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Weftigiisa uso kicitimeen dhanka Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, iyadoo Maamulka heer Gobol iyo heer Degmoba iyo shacabka Burcaba  ay kaga horyimaadeen Kaantaroolka isla mar ahaantaana ay si balaadhan usoo dhaweeyey, waxaana Wefiga Madaxweynaha loo gelmiyey Dhanka Madaxtooyada Burco, Waxaana Socdaalka Wefigu isugu jiraa u xogagaal noqoshada Abaarta  Gobolada Bariga iyo Kormeerka Mashaariicda JPLG-ga.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY