Xaflad Lagu Sagootiyey Dufcaddii 11aad Ee UoH Oo Ka Qalin-jebiyey Jaamacadda Hargeysa+ DAAWO SAWIRRO

0
1945

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dufcaddii 11aad ee sanadkan 2014-ka Ka Qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa ayaa munaasibad si heer sare loo agaasimay loogu qabtay Hoolka Jaamacaddaas.

Dufcaddan oo tiro ahaan ka koobnayd 793 arday oo ka qalinjebiyey kulliyadaha kala gedisan ee Jaamacaddu ka kooban tahay waxa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Arday, Waalidiin, Madax dhaqameed, Aqoon yahanno, Madaxda Saddexda xisbi qaran, Xildhibaanno iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

jmacadda harg2

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Pof. Cabdi Xuseen Gaas oo ugu horeyn xafladda ibo-furay ayaa si faahfaahsan oo qoto leh uga war-bixiyey waayihii kala duwanaa ee Jaamacadda Hargeysi soo martay iyo Maraaxil mid waliba waayihiisa leeyahay oo ay soo martay. Waxaanu sheegay in jaamacaddu haatan marayso heer aad u wanaagsan wallow ay jiraan caqabado iyo guullo is hareero socday oo ay soo martay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Pof. Cabdi Xuseen Gaas
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Pof. Cabdi Xuseen Gaas

Khudbadda Madaxweynaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Gaas oo dhinacyo kala duwan taabanaysay waxa ka mid ahaa oo uu ku bilaabay “Ardaydan Qalin Jabinaysa waxa ay dhammaantood Barteen Culuumta Kala Gadisan ee lagu dhigto Jaamacadda, Waxaan Ay maanta gaadheen Guul Wayn oo la taaban karo, maadaama oo ay Juhdi iyo dedaal dheer usoo galeen inay Dhammeeyaan Aqoonta ay Doonayaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka warramay heerka ay marayso Maanta UoH iyo waxyaabaha u qabsoomay guddoomiye ahaan muddadii uu xilka hayay “Jaamacadani Waa jaamacadu ugu qaalisan Marka la eegayo Afrika oo dhan, waxa ay Khubaro badani noo sheegeen inaanu aqoontii kor u qaadnay, Haatanna ay UoH U Aqoonsadeen Jaamacadaha Ugu Wanaagsan qaaraddan Afrika. [Waxaan idiin Sheegayaa] Intii aan Jaamacadda joogay waxaan kusoo kordhiyay; inaanu dhisno Qaybo ka mid ah Fasallada sida hoolkan aynu Maanta fadhinno, Waxaanu Xukuumada u sheegaynaa in ay Gacan wayn ka gaysato sidii ay Kor ugu qaadi lahayd Jaamacada Hargaysa, Kharashka yar ee aanu ka qaadno ardayda jaamacada kuma Filan inaanu isku kafayno”. Nuxur ahaan khudbadda Prof. Cabdi Gaas waxa ay ku arooraysay in guud ahaan shacbigu ka qayb qaato isla markaana doorkooda ka ciyaaraan horumarka iyo dhiska dalka, isaga oo si gaar ah talo u siinaya ardayda reer Somaliland gaar ahaanna kuwa Jaamacadda ka qalin-jebiyey waxa uu yidhi “ Waxaan Maanta ardayda leeyahay dalkiina dhista”.

jamcada har 2

Geesta kale  guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadda Hargeysa [Board of Directors] ahna wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna madasha ka hadlay ayaa qaranka ugu baaqay in loo hawl galo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa ardayda qalinjebisay, “Maanta Halkan waxa iigu muuqda ardaydii lagu soo tabcay oo qalin jabinaysa waxaana Xukuumada leeyahay Waa waajib in shaqo loo abuur” sidaa ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu intaa ku daray “dalka Kaalin Mug Leh ayay [ardaydu] ugu jirtaa, Shaqo la’aan baahsan Ayaan dalka ka jirta taasna waxa la doonayaa in laga baxo, ardaydana shaqooyin loo abuur,Waxaanan Anigu idin leeyahay Ardayeey Waxbarashu albaab lago galo ayay leedahay lakiin male albaab laga baxo”.ayuu yidhi wasiirka qorshayntu.

harg 32

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Maxamuud Xaddi, guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan iyo Xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjebisay iyaga oo ku boorriyey inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan.

hablaha arday ja h

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna madasha ka hadashay ayaa si faahfaahsan uga hadashay xaaladda waxbarasho ee dalku haatan ku jiro iyo horumarka aqoonneed ee Jaamacaddaha Somaliland Oo UoH Hoggaaminaysaa gaadheen muddooyinkii u dembeeyey. Wasiirradu waxa dhinaca kale ay guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ka guddoontay lacag qadarkeedu dhan yahay $5000 [Shan Kun] oo Dollar oo ay Jaamacaddu ugu talo gashay inay kaga qayb qaataan dhismaha wadada Ceerigaabo. Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka waxbarashadu waxa ay khudbadeeda ka dib cod-baahiyaha ay ku soo dhawaysay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaasi Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey.

ardayda ha

Md. Siilaanyo, Madaxweynaha Somaliland, Nuxur ahaan khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay horumarka ay dawladdisu gaadhsiisay waxbarashada muddadii uu xilka hayay, isaga oo sheegay in xukuumadda KULMIYE ay diyaar u tahay kobcinta waxbarashada. Waxaana uu yidhi. “Waxaan Halkan hambalyo uga soo jeedinayaa Guusha ay gaadheen Macalimiintii Kusoo tabacday Ardaydan Maanta ina Hor Joogta,Waxbarashadu waa Furaha Nolosha, Waa Halbowlaha Horumarka, Waana Hagaha Mustaqbalka,Waxaana ay u kala horeeyaan sida ay aqoon iyo Farsmo badan yihiin. Sanadkan waxaan Qalin-jabintooda ka qayb galay in ka badan afarkun oo Arday [4000], taasi waxa ay Markhaati u tahay kobaca qudheed iyo kor u kaca ay bulshada ku dhex leeyihiin dhinyaradu. Intaas ka dib Madaxwaynaha Somaliland waxa Shahaadooyin uu Guddoon siiyay ardaydii Kaal-maha hore ka gashay Imtaxaankii Jaamacada Hargeysa, waxanu shahaadooyinka Guddoonisay 20kii Arday ee ugu sarreeyey.

barkhad kaariye

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY