Chelsea oo Juventus iyo West Ham Kaga Adkaatay Weeraryahanka Michy Batshuayi

0
1816

HargeisaPress —Chelsea, ayaa dhakhaatiir baadhitaan ku samaysa u dirta Michy Batshuayi oo Belgium kala qaybgeleya ciyaaraha qaramada Yurub, kadib markay dhiggeeda Marseilles kula heshiiska iibka laacibkan.

Weeraryahankan ayay Chelsea ka bixisay lacag dhan 33 milyan pound, isla markaana waxa uu ka mid noqon doono laacibiinta cusub ee Stamford Bridge tegeyo, isagoo saxeexi doona heshiis shan sanno ah.

22 jirkan ayay Chelsea iibkiisa kaga adkaaday kooxo Juventus iyo West Ham ka mid yihiin, isagoo ka mid ahaa ciyaartoy Antonio Conte dalbaday in Chelsea lagu xoojiyo marka uu bisha dambe la warreego.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here