Xulka Chile oo xalay ku guuleystay Copa America Kaddib Markii ay ka tumeen Argentina + SAWIRRO

0
1179

EAST RUTHERFORD, N.JXulka Qaranka Chile, ayaa Xalay ku Guuleystay Koobka Ameerika, kaddib markii cayaar adag ay dhex-martay iyaga iyo xulka dalka Argentina, Waxaana Rigoorayaal 4-2 ah ku qaaday Koobka xulka dalka Chile.

 

Cayaartii xalay oo ahayd Finalkii Koobka Ameerika, ayay labada xul waxay soo ban-dhigeen Cayaaro aad u Wanaagsan, iyadoo koox walba ay isku dayaysay inay ku guuleysto koobka, balse cayaarta ayaa ku dhammaatay gool la’aan, iyadoo labada xul lagu kala saaray Rigoorayaal.

Copa_America (8)

Sidoo kale, Cayaartoyda labada xul ayaa waxay isku sigeen goolal, inkastoo aysan u suuro-gelin inay dhaliyaan, halka kubadda ay marka koox si gaar ah u maamulaysay.

Copa_America (7)

Laacibka reer Arjantiin Lionel Messi oo Warbaahinta la hadlay intii cayaartu aysan billaaban ayaa yiri. “Cayaartan waa mid adag… wayna igu adag tahay in aan saadaalin kasii bixiyo… balse waxaan sameyn doonaa dadaal walba si aan u qaadanno koobka.”

MESS

Daqiiqaddii 28-aad ee Qaybta hore ee cayaarta, ayaa Waxaa Kaarka Cas loo Taagay – Marcelo Díaz oo ka tirsanaa xulka Chili, kaddib markii uu Khalad ku galay Messi oo ka Tirsan Argentina. Waxaana isla daqiiqaddii 43-aad ee Qaybtii hore ee cayaarta Kaarka Cas loo taagay Cayaaryahan Marcos Rojo oo ka tirsan Argantina, kaddib markuu khalad ku galay cayaaryahan Vidal, waxaana qaybtii hore ee cayaartu ay ku dhammaatay gool la’aan 0-0 ah.

Copa_America (5)

Qaybtii Labaad ee Cayaarta ayay labada Xulba soo bandhigeen cayaaro wanaagsan, laakiin labada xul ayaa Daqiiqadihii Cayaarta loogu Talo-galay aan Wax gool ah iska dhalin, iyadoo ay noqotay in Gool-ku-laadyo loo dhigo si loo kala saaro.

 

Lionel Messi iyo Vidal ayaa waxay khasaariyeen gool-ku-laadyadii ay Xalay u tuureen Kooxahooda, Taasoo ka yaabisay Dadkii Cayaartaas Daawanayay oo dhan. Waxaana Rigoorayaasha lagu quusiyay Xulka Argentina.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here