Wayne Rooney oo Laga Shaki Qabo inuu ka Qaybgeli Doono Ciyaarta England Vs Iceland

0
1335

HargeisaPress —Wayne Rooney, ayaa laga shaki qabaa inuu ka qaybgeli doono kulanka ka tirsan warreega 16-ka ee koobka Yurub oo ay 27-ka bishan la ciyaari doonaan Iceland, kadib markii uu lugta dhaawac ka gaadhay.

 

Inkastoo kabtanka England xaqiijiyay inuu ka qaybgeli doono ciyaarta Iceland, hadana dhakhaatiirta England waxay caddeeyeen inay sugayaan natiijada baadhitaano ay ku samayn doonaan ka hor ciyaarta Iceland.

 

 

Kabtanka England, ayaan ka qaybgelin tababar laacibiinta xulku shalay sameeyeen, kadib markii dhakhaatiirtu go’aamiyeen in aannu tababarka samayn karin, sidaa darteed u baahan inuu waqti nasasho qaato.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here