Vicente Del Bosque oo ka Dayriyay Awooda Rigoore Dhalineed ee Laacibiinta Spain iyo Warar kale

0
1285

HargeisaPress —Tababare Vicente del Bosque, ayaa xaqiijiyay inuu ka walaacsan yahay awooda rigoore dhalineed ee laacibiinta Spain, markii Ramos khasaariyay rigoore loo dhigay kulankii Croatia labada gool kaga badisay.

Waxa uu macallinkan caddeeyay in 30 rigoore oo laacibiinta Spain loo dhigay siddeedii sanno ee u dambeeyay ay 13 ka mid ah ku guul-darraysteen inay dhaliyaan, taasoo muujinaysa siday rigoorayaasha ugu liitaan.

Del Bosque waxa kaloo uu xaqiijiyay inuu ka xun yahay inay ku dhacaan Talyaaniga, isagoo intaa ku daray in xataa haday ka badiyaan uu ka horreeyo jid adag oo aanay fududayn inay Final-ka gaadhaan.

Petr Cech oo Caddeeyay inuu ka Fadhiisanayo Ciyaaraha Caalamiga ah ee Qaramada

kkh

Goolhaye Petr Cech, ayaa caddeeyay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha caalamiga ah ee qaramada kadib markii kulankii saddexaad ee Group D ka tirsaa uu Turkigu ka badiyay, taasoo keentay in Czech ka hadho Euro 2016-ka.

34 jirkan oo nqoday laacibka ugu safashada badan Czech Republic waxa uu sheegay inuu hadda qaadanyo waqti uu kaga fikiro mustaqbalkiisa ciyaaraha qaramada, isagoo intaa ku daray inuu jecel yahay inuu ka fadhiisto.

Goolhayaha oo la hadlay wargeyska L’Equipe waxa uu sheegay in aannu isla maanta go’aan qaadanayn, balse aannu hubin inuu dalkiisa kala qayb-qaadan doono isreebreebka koobka adduunka ee 2018-ka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY