David Haines, Samafale Ka Soo Jeeda Ingriiska oo Kooxda Daacish Dhegta Dhiigga U Dartay. Faallo: Qalinka Xassan Cumar Hoorri

0
962

hooriNinkii saddexaad oo ka soo jeeda dunida tadhahday (Galbeed) ayaa kooxda Daacish, shalay, dhegta dhiigga u dareen. David Haines waxaa uu u dhashay

dalka Britain waxaana uu ku hawlanaa arrimaha samafalka isaga oo u soo gurmaday dhibaatada aadami ee ka oognayd dalka Suuriya. Falxumada lagu bireeyay Mr. Haines waxaa la wadaagay James Foley, suxufi Maraykan ah oo laga daawaday shaashadaha telifishannada isaga oo birtu ku rafanayso kurkiisa.

Dilka foosha xun ee Foley waxaa la faafiyay 19kii August 2014. Labo toddobaad ka dib, isla kooxda Daacish, waxaa ay sadqeeyeen suxufi kale oo Marayka ah, Steven Sotloff. Dilka raggaa waxaa ay kooxdu kaga aar-gudanayeen Maraykanka oo mudadan dhow cirka ka duqaynayay goobaha ay ku sugan yahiin ee Ciraaq iyo Suuriya.

Dhammaan ragga la bireeyay waxaa ay ka siman yahiin in kooxda Daacish jilbaha u dhigeen dhulka saxaaraha ah iyada oo loo soo wada xidhay dharka u eeg diirka liinta (orange) ee beryahan danbe lagu tilmaamsado maxaabiista Islaamiyiinta ee Maraykanku u taxaabtay jeelka Guantanamo ee carriga Cuba.

Kooxda Daacish waxaa ay ku cad-goosataa mindi gaaban iyo sawir-qaadista fiidyo lagu soo bandhigo farshaxan aad tayadiisu u sarrayso. Haddaba, maxaa u diiday seef ama faas in ay kurka kaga jaraan qofkii xukunkoodu ku dhaco? Sababta waxaa lagu sheegay mindida gaaban in ay toban jibbar ka saamayn badan tahay iyadoo muujisa sida qun-yar socodka ah ee kurku u go’ayo!

Haddaba, Waa Maxay Dhaqanka Qofka oo Gawrac Labada Dhegood Loogu Simo?

In kurka oo lagu gooyo seef ama faas waxaa ay ahayd dhaqan soo jireen ah oo ka hana-qaaday qaaradda Europe ilaa iyo intii Dr. Louis(dalka Faransiiska) uu ka curiyay manqaska qoorta lagu gooyo (guillotine) isagoo u arkay in uu manqasku ka karaamo badan yahay seef ama deldalaadda oo ahayd qofka oo xadhig laga soo laalaadiyo ilaa uu ka qudh-baxayo.

Taariikhdu iyada ayaa dib isu soo celisa. 3000 oo sannadod ka hor, iyo waayahii Mesopotamia, Boqorka Cassiiriyiintu oo magaciisu ahaa Sennerachib waxaa uu cadowgiisa ku gawrici jiray mindi gaaban si uu ugu raaxaysto ruux raajinta mindidu kurku u goynayso. Falxumooyinkaa oo lagu muujiyay sawirroo laga qoray dhagax iyo dhoobo kama ay duwana kuwan maanta muuqda, marka laga reebo farsamooyinka casriyeysan iyo warlalista degdega ah ee degelada bulshada ee Youtube, Twitter iyo Google.

Gawraca aadane (decapitation) waxaa waayahii hore lagu aqoonsan jiray in uu astaan u yahay jabka cadowgaaga. Boqrtooyadii Tibetan ee Buddhist-ka waxaa ay ku can baxeen in ay dhegaha ka guraan cadowga ka dib marka ay dhiigga dhegta u daraan. Taariikhdu waxaa ku soo arooray in boqortooyadaasi ay lahayd dooxo la odhan jiray “dooxadii Dhegaha Qudhmoon” (The Plain of Stinking Ears) tasoo oo lagu ururiyay dhegahii cadowga markii ay jebiyeen Boqortooyadii Mongoliyiinta iyaga oo ka dilay boqolaal kun oo askartooda ah.

La Soco Qaybaha Danbe ……..

Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Ku la xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac Twitter @horrimania

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here