Arsene Wenger oo ka Werwersan inuu Markii u Horraysay Champions League Boos ka Waayo

0
1460

HargeisaPress —Tababare Arsene Wenger, ayaa markii u horraysay qirtay inay halis ugu jiraan inay boos ka waayaan afarta kooxood ee horyaalka ugu sarreeya, taasoo sababi karta in aanay Champions League dambe ka qayb-geli doonin.

 

Kadib barbar-dhacii Arsenal la gashay Crystal Palace ayuu macallinkan xqiijiyay inuu ka welwelsan yahay in kaalinta afraad laga saaro, isla markaana uu markii u horraysay Champions League boos ka waayo.

 

Waxa kaloo uu tababaruhu xusay in kulamada u dhiman ku qasban yihiin inay dhammaan badiyaan, taasina tahay habka keliya ee ay ku xaqiiqsan karaan booskooda Champions League ee horyaalka dambe.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here