Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland

0
1303

raysal-wasaarahaAddis Ababa, (HargeisaPress) — Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa shalay gurigiisa ku qaabilay weftigii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo labadii maalmood ee la soo dhaafay socdaal shaqo ku jooga magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

Kulankaasi waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha dibadda, Waxbarashada Maxamed Biixi Yoonis iyo Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Cali iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle iyo Ku xigeenkiisa Ayaanle Salaad Diiriye. Raysal wasaaraha Itoobiya waxa isna kulankaasi ku wehelinayay Wasiirka Waxbarashada iyo saraakiil kale.

Kulankaasi waxa labada Hoggaamiye ku faaqideen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wax-wada qabsiga labada dal dib u furista xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, sidii ay iskaashi iyo wada shaqayn togan uga yeelan lahaayeen dhaqaalaha iyo ammaanka labada wadan.

“Raysal wasaaraha Itoobiya waxaanu la yeelanay Kulan aanu kaga wada hadalnay wada shaqaynta iyo wax-wada qabsiga labada dal, gaar ahaan waxaanu isla gorfaynay dhinacyadda siyaasadda, ammaanka, xuduudaha iyo dhaqaalaha,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo kulankaas ka dib la hadlay warbaahinta.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay isku waafaqeen Raysal wasaaraha Itoobiya qoddobadii ay isla soo qaadeen oo la xidhiidhay masaalixda labada wadan ee jaarka ah, waxaanu yidhi “Itoobiya waa dal aynu jaar nahay oo uu innaga dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo saaxiibtinimo, waxaan idiin sheegayaa inaanu isku afgaranay dhammaan qoddobadii aanu ka wada hadalnay oo dhan.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in kulanka labada hoggaamiye ee Somaliland iyo itoobiya uu ahaa mid la isku afgartay sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta labada wadan, waxaanu tilmaamay in kulankaasi socday muddo saacado ah.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY