Somaliland: Lacag dhan $ 8300 oo dhalinyarada Hargaysa ugu deeqeen taakulaynta Abaaraha + SAWIRRO

0
987

HARGEISA , (HargeisaPress) —Dhalinyaro ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa caawa kulan qaadhaan ururin ahi uga qabsoomay hotel Maansoor ee magaalada hargaysa. Halkaas oo ay ku uruuriyeen lacag dhan $8304 dollar.

 

Kulankaas oo ay soo agaasimeen dhalinyaro iskood isu abaabulay ayaa waxa kala soo qayb galay xubno ka mid ah guddiga qaran ee taakulaynta abaaraha, kuwaas oo dhalinyarada la wadaagay xanuunka iyo baaxadda ay abaartu leedahay.

1 har 3

Sh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddiga heer qaran ee taakulaynta abaaraha ayaa halkaas ka sheegay in xaaladdu ay aad u adagtay, isagoo ka sheekeeyey dhacdooyin xanuun badan oo guddiga abaaruhu ay indhahooda kusoo arkeen.

1 har 4

Waxana uu sheegay in marka abaarta iyo xanuunkeeda laga tago in ay dadka iyo xoolahaba ay u weheliyaan gaajada iyo harraadka xanuuno ka mid ah kuwa faafa.

1 har 5

Sh Maxamed ayaa sheegay in qiyaasta dadka abaartu saamaysay lagu sheegay hal milyan oo qof oo ku kala nool gobolada Somaliland, waxana ugu sii daran sida uu sheekhu sheegay gobolada galbeedka oo dad iyo xooloba lagu le’day.

1 har 2

Hoodo-ayaan Sul. Aadan Faarax oo ku hadashay magaca guddiga qaban qaabada barnaamijka ayaa dhankeeda u mahadcelisay sida ay dhalinyarada Somaliland gaar ahaan Hargaysa ay ugu damqadeen walaalahood, waxana ay ku boorisay dhalinyarada in ay wax bixiyaan oo xoog iyo xoolaba ay walaalahood ugu deeqaan.

1 har 6

Sahra Kiin Kaahin oo guddiga qaban qaabada ka mid ahayd ayaa u mahad celisay Maansoor Hotel oo ay sheegtay inuu hoolka dhalinyaradu isugu yimaadeen ku bixiyay bilaash.

1 har 11

Dhanka kale Sahra ayaa bilowday in ay diiwaan geliso dhalinyarada iyo mid kastaa waxa uu ku deeqayo, iyadoo qaybaha kala duwan ee dhalinyaradu midba uu ku deeqay karaankiisii, ugu danbayn ayaa Sahra waxa ay ku dhawaaqday wadarta guud ee dhalintu ay caawa ku deeqday oo noqotay 8304 doolar.

1 har 8

Boobe Yuusuf Ducaale oo madashan kasoo qayb galay ayaa ka waramay suugaanta soomaalida iyo waxa ay ka tidhi xaaladdan oo kale, waxana uu sheegay in ay mudan tahay in aynu taariikhda wax ka baranno oo abaaraha laga sii gaashaanto.

1 har 7

Sharmaake Gelle oo dhalinyarada la hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada ay maamuus iyo sharaf u tahay in ay u damqadaan dadkooda abaaruhu halakeeyeen, waxana uu kulankaas dhalinyarada ku tilmaamay mid taariikhda gali doona oo la xusi doono. Waxana uu ku daray in dhalinyaradu ay yihiin cidda looga fadhiyo in ay ku guntadaan bulshada qorshe iyo qarashba ay ku deeqaan. Ugu danbayn waxa madasha lagaga dhawaaqay in kulamadan oo kale laga qaban qaabin doono gobolada waawayn ee dalka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here