Taliyaha Ciidamadda Booliska Somalilnd C/laahi Fadal Imaan Oo Ka War Bixiyay Amaanka Guud Ee Dalka.

0
1842

fadalHargeysa, (HargeisaPress) — Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ciidanka booliska Magaalada Hargeysa gacanta ku soo dhigeen nin mindi galiyey nin kale, oo ay baadhayaan sababta ku kaliftay, isla markaana waxa uu ka hadlay Xaalada nabadgelyo ee waddanka, sidaana waxa uu ku sheegay mar uu xalay u waramayay shabakada Hayaannews.com Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la weydiiyey siday wax u dhaceen ayaa waxa uu ku jawaabay “Salaadi-casar ayaa nin sitay toori nin kale ku dhaawacay xaafada Qudhac-dheer ee Magaalada Hargeysa, markaa ninkii ninka mindida ku dhuftay Ciidamada Booliska Somaliland ayaa qabtay,

waana la baadhayaa sababta keentay”. “Ciidanka Booliska Somaliland aad iyo aad ayey u shaqeynayaan, dhamaan waddankuna aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay nabadgelyadiisu, waad arki kartaa siday ciidanku u gaaf-wareegayaan bacadlaha, ILAAHAY ayaa mahadaa iska leh, waxa kale oo aan u mahad-celinayaa dadweynaha reer Somaliland oo wax kasta oo ay dareen ka galo Ciidanka booliska soo gaadhsiiyaa”.Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayey xaalada nabadgelyo ee waddanka. Mar uu Taliye Fadal ka hadlayey sida ay Ciidamada Boolisku uga hortagayaan tuugta iyo dhalinyarada rabshad-wadayaasha,

ayaa waxa uu yidhi “Ciidanka Boolisku waxa uu ku hawlan yahay sidii uu qabqaban lahaa tuugta iyo dhalinyarada rabshad-wadayaasha, oo hawlgal ayey ku jiraan, waana la qabtaa, kadibna sharciga ayaa la horgeeyaa oo maxkamadaha ayaa loo gudbiyaa,waanan sii wadaynaa hawashaa maadaama lagu jiro ramadaan, waanad arki kartaa sida bacadlaha weyn ee Hargeysa iyo ka Gobanimo siday Ciidanka boolisku uga shaqeynayaa, waana arrin joogto noqonaysa haddii ILAAHAY ka dhigo.” Read more: Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Faah-faahin Ka Bixiyey Xaalada Nabadgelyo Ee Dalka.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here