Mareykanka Oo Xidhay Xarunteeda Diyaaraddaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Ethiopia

0
1418

Addis Ababa, (HargeisaPress) — Mareykanka, ayaa sheegay inay xidheen saldhigii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn(Drones) ee Ethopia. Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa, ayaa sheegtay in saldhigga Abra Mich oo qiyaastii boqol kilomitir kaanfur ka xiga magaalada xarunta ah aan loo baahneyn.

 

 

Warbaahinta gudaha, ayaa ka hadashay saldhigaasi markii la dhisay sanadkii 2011kii, balse ilaa xilligaasi Mareykanka si cad uma xaqiijin jiritaankiisa. khubarada ammaanka, ayaa sheegay in loo adeegsaday weerarada xagjiriinta Somalia.

 

Ethpaia, ayaa isbahaysi la ah Mareykanka, waxayna u dirtay Soomaaliya boqolaal ciidamo oo la dagaalama ururka Alshabab.

 

Mareykanka, ayaa saldhig militeri oo weyn ku leh Jabuuti, halkasi oo ay ka qaadaan weerrarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here