Tababare Jose Mourinho Oo Caawa laga Eryay Shaqadii Kooxda Chelsea iyadoo lagu beddelay Diego Simeone

0
1300

HargeisaPress — Maamulka Sare ee Kooxda Chelsea oo Britain ka dhisan ayaa si rasmi ah maanta shaqadii uga eryay tababare Jose Mourinho, kaddib kooxda ay xilliyaareedkan lasoo daristay guul-darro weyn oo qaab ciyaareedka ah.

 

Kooxda Chelsea ayaa kaalinta 16-aad kaga jirta liiska kala horreynta kooxaha ee horyaalka Premier League ee dalka Britain. Iyadoo cayrinta tababare Mourinho ay imaanayso iyadoo ciyaartii toddobaadkan ay kooxdu la yeelatay Leicester City, ciyaartaasoo looga adkaaday Chelsea 2-1.

 

Waa markii labaad oo tababare Jose Mourinho laga eryo Tababarenimada kooxda Chelsea, isagoo kooxda kusoo laabtay sannadkii 2013-kii, markaasoo uu kooxda Real Madrid kasoo tagay. Iyadoo xilli ciyaareedkan Premier League-ga ay cayaartay kooxdu 16 kulan, iyadoo heshay 15-dhibcood oo keliya.

 

Tababare Jose Mourinho
Tababare Jose Mourinho

 

Milkiilaha kooxda Chelsea ee u dhashay waddanka Ruushka, Roman Abramovich ayaa ku dhawaaqay caawa in naadigiisa uu tababarayo; Tababbare Diego Simeone oo bedeli doona tababaraha shaqada laga eryay, Jose Mourinho oo u dhashay dalka Portugal.

 

Jose Mourinho ayaa sheegay in ciyaartoyda Chelsea ay si aan wanaagsanayn u ciyaareen kulankii ay la yeesheen kooxda Leicester City. Iyadoo maamulka saree ee kooxda Chelsea ay sheegeen inay Jose Mourinho ku kala tageen heshiis laba dhinac ah.

 

“Kooxda Chelsea iyo Jose Mourinho waxay maanta ku kala tageen heshiis laba dhinaca ah, waxaanan uga mahadcelinaynaa Mourinho howshii uu soo qabtay intii uu kooxda tababare u ahaa laga soo billaabo sanadkii 2013-kii,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay maamulka kooxda Chelsea soo saareen.

 

Warbixinta kooxda Chelsae ayaa waxaa kaloo lagu yidhi. “Tababare Mourinho wuxuu ahaa ruuxii horseeday inay kooxdu ku guuleysato saddex koob oo horyaalka Britain ah, koobkii FA-ga ah, koobkii Community Shield ah iyo saddex koob oo Leaque Cup ah, intii tababare uu u ahaa kooxda Chelsea labadii xilli ciyaareed ee laga soo gudbay.”

Tababaraha Cusub ee kooxda Chelsea  Diego Simeone
Tababaraha Cusub ee kooxda Chelsea Diego Simeone

“Kooxdu waxay doonaysaa inay caddeyso in Jose Mourinho uu nooca baxay si wanaagsan, wuxuuna ahaan doonaa mid la jecel yahay mar walba, la ixtiraamo oo xubin muhiim ah ka ah kooxda Chelsea,” ayaa mar kale lagu yidhi warbixinta ay soo saartay kooxda Chelsea.

 

Dhanka kale, tababare Jose Mourinho ayaa Bishii August ee sannadkan wuxuu la saxiixday kooxda Chelsea heshiis cusub oo afar sano ah, iyadoo heshiiskaas oo sheegayay inuu illaa sannadka 2019-ka uu layliyo kooxda. Waxaana uu afartaas sannadood heli lahaa dhaqaale gaaraya 40-milyan oo Giniga Ingiriiska, taasoo u dhiganta 59-milayn oo doollar.

 

Ugu dambeyn, maamulka kooxda Chelsea ayaa sheegay inay lasoo wareegayaan dhawaan tababare cusub, kaasoo ay sheegeen inay rajeynayaan inuu sumcadii ay kooxdu lahayd dib u soo celiya.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY