Goleyaasha Deegaanka Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Loogu Fasaxay Fadhiyadda Aan Caadiga ahayn

0
917

news logo HPHargeysa,(HargeisaPress) — Goleyaasha deegaanka ee dalka ayaa dhamaantoodba si isku mid ah u soo dhaweeyay go’aankii uu wasiirka daakhiliga Somaliland Cali Warancadde ku fasaxay in goleyaasha deegaanku ay fadhiyadooda aan caadiga ahayn qabsan karaan.

Ka dib markii uu hore xayiraad uga saaray wasiirka arrimaha guduhu goleyaasha deegaanka dalku in aanay qaabsan Karin fadhiyadda aan caadiga ahayn, hase yeeshee wasiirka ayaa todobaadkii hore dabayaaqadiisii waxa uu si rasmi ah u shaaciyay inuu dhamaaday wakhtigii digreetadaasi isla markaana ay wixii hada ka danbeeya goleyaasha deegaanku qabsan karaan fadhiyadooda aan caadiga ahayn.

Tallaabadaasi uu wasiirka daakhiligu xayiraadii saarnayd kaga qaaday fadhiyadda aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka ayay si buuxda u soo dhaweeyeen dhamaanba goleyaasha deegaanka ee Somaliland, iyaga oo arrintaasina ku tilmaamay in ay tahay mid xiligan si aad ah loogu baahnaa.

Hadaba arrintaasi sida ay u arkaana ayaanu hor dhignay xildhibaano ka kala tirsan goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka Laascaanood, Burco, Boorama iyo Gabiley oo aanu wax ka waydiinay sida ay u arkaan go’aanka wasiirka arrimaha gudaha.

Xildhibaan C/casiis Xuseen Maxamed oo ka mid ah golaha deegaanka magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xalay aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa go’aankaasi ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo uu qaaday wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu soo dhaweyntiisa ku sababeeyay inuu ku taageerayo dib u dhac balaadhan oo uu sheegay in uu ka jiro magaaladda Laascaanood, sidaas darteedna loo baahan yahay in is-bedel lagu sameeyo maamulka dawladda hoose ee magaaladaasi.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Go’aankan uu wasiirka arrimaha gudaha xayiraadii kaga qaaday goleyaasha deegaanka ee uu ku fasaxay in ay fadhiisan karaan, arrintaasi waxaan u aragnaa haddii aanu nahay golaha deegaanka Laascaanood inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday xagga horumarka iyada oo wasiirkuna sheegay in fadhiyadaasi ay u xayirnaayeen mudadaasi sanadka ahayd si maayaradda fursad loo siiyo, oo aan loogu buuqin ee uu wax qabto loona eego iyo in lagu ogaado ninka aanan waxba qabanaynin ee damdamlaha ah iyo masuulka wax qabanaya. markaa wasiirku aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay. ka Laascaanood ahaan tallaabadaasi uu wasiirku qaaday aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, sababta aanu u soo dhawaynaynaana waxay tahay mudadaa sanadka ah degmooyinka kale hore ayay u socdeen, magaaladda Laascaanood-na dib ayay u guratay, waxaana laga yaabaa in degmooyinka yar yar ee ay ka mid yihiin Baki inay ka horeeyaan xagga horumarka.”

Xildhibaan C/casiis oo aanu waydiinay inay ka gole ahaan doonayaan inay xilka ka qaadaan guddoomiyaha golaha deegaanka Laascaanood waxa uu ku jawaabay “Goleyaasha deegaanka dalka waxaa loo doortay inay horumarka ka shaqeeyaan oo ay wax u qabtaan magaalooyinkooda iyo dadkii soo doortay markaa haddii la eego waxaanu u aragnaa in magaaladayada Laascaanood ay ugu horumar liidato, xilkuna waa meerto oo marba nin ayaa fuulaya, ninkii hawshiisa ka soo bixi waayana waa la fadhiisiyaa oo mid kale ayaa lagu bedelaa”.

Sidoo kale xildhibaan C/rasaaq Xuseen Obsiiye oo loo yaqaano Shiine Falidh, kana tirsan golaha deegaanka Burco, oo aanu telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo joogay Burco ayaa soo dhaweeyay go’aanka wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu yidhi “Horta arrintani waa mid dastuuri ah, go’aankaasi waxaan u arkaa mid aad u wanaagsan waanan soo dhawaynaynaa,

Xildhibaanka oo aanu waydiinay in ay ka gole ahaan u qorshaysan tahay ama ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan maayarkooda, waxa uu ku jawaabay “Maya imika nooma qorshaysna in uu wax ka bedel ku samayno hogaanka golaha deegaanka, wax aanu ku durno maayarkayagana nooma muuqdaan golahayaguna imika si fiican ayuu iskula jaanqaaday oo uu u shaqaynayaa, laakiin markii la gaadho waa dastuuri in la sameeyo haa waanu soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi xildhibaan Shiinne falidh.

Dhinaca kale xildhibaan Aamin Cumar Cabdi ( Aamin Cumar Dheere) oo ka mid ah golaha deegaanka Gabiley ayaanu isna waydiinay sida uu u arko go’aankaasi uu wasiir Warancade xayiradii uu hore u saaray kaga qaaday fadhiyadda aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka Somaliland, waxaanu yidhi “Waa arrin soo dhawayn mudan markaa waanu soo dhaweynaynaa, aadna waanu u soo dhawaynaynaa, waxaanan u aragnaa tallaabo hore loo qaaday”.

xildhibaan Aamin Cumar Cabdi, oo aanu isna hor dhignay su’aal ahayd in ay doonayaan in ay yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo ay xilka kaga qaadayaan maayarka, waxa uu ku jawaabay “Dabcan, wasaaradda arrimaha gudaha waxaa taalay codsi ay xildhibaanadda golaha deeganku ku dalbanayeen inay doonayeen in ay yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo ay xilka kaga qaadaan maayarka in la noo ogolaado, markaa tani dalabkayagii way fududaynaysaa, waxaanay noqonaysaa wixii hortaagnaa fadhigayaga oo meesha ka baxay, markaa aad ayaanu u soo dhaweynynaa, wasiirka daakhiligana waanu ku hambalyaynayaa” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Amiin.

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi (Iid Xasan Dheere) oo isna ka tirsan isla golaha deegaanka Gabiley ayaa isna si la mid ah sida xildhibaanadda kale u soo dhaweeyay go’aankaasi wasiirka daakhiliga, waxaanu sheegay in tallaabadani ay tahay mid ay xukuumadu ku kasbatay goleyaasha deegaanka ee dalka.

Waxaanu yidhi “Lallaabadaasi waxaan u arkaa mid aad iyo aad u wanaagsan oo ay xukuumadu qaaday, waana mid ku haboonayd in xiligan la qaado, wasiirka arrimaha gudahana waan ku hanbalyaynaynaa. kolay waajibaadka golaha waxaa ka mid ah mar haddii hogaanku xumaado inuu is-bedel yimaado, qorshahayagana way ku jirtay in aanu maayarka bedelno, tallaabadana wxaanu u aragnaa mid ay xukuumadu nagu kasbatay anaga, waanan ku hanbalyaynaynaa”.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here