Dhan baan anigu ahayoo, Dhedhexaad ma noqon karo! W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xassan

0
847

Anigu, Maxamed Baashe ahaan, waxa aan isku tiriyaa inta u qoolan ee u dabran danta guud, una xidhan ilaalinta qaddiyadda ummadeed.

Sidaas awgeed, waxa aan ka mid ahay inta dantaas daba socota ee hadba halka ay is leeyihiin way gashay ka daba gala.

Cid kasta oo aan haddaba is leeyahay waxa ay u dhowdahay dantaas guud ayaan u dhowaadaa oo aan taageeradayda siiyaa. Cid kasta oo aan is leeyahay way ka fog tahay na waan ka durkaa oo taageeradayda ma siiyo.

Taas ayaa keenaysa in aan dhan noqdo oo aanan dhexdhexaad marna ba noqon. Taas ayaa ii jiidaysa in aan taageeradayda u hibeeyo Muuse Biixi Cabdi tartanka xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi ayaan siinayaa taageero af iyo addinba ah, hiil iyo hooba ah!

Waayo, waxa aan is leeyahay isagaa inta la tartamaysa dantaas guud iyo qabyo-tirkeeda ugu dhow.

Murrashaxa xisbi kasta ka soo baxayaa waa muhiim. Waayo waxa uu ku socdaa hoggaamintii ugu sarraysay ee waddanka. Taas baa keenaysa ahmiyadda kala xulashada haddii tartan yimaaddo.Hadda haddii xisbiga Waddani tartan noocaasi ka dhex aloosmo waa khasab in xulasho timaaddaa oo cid la taageeraa.

Muuse Biixi Cabdi anigu sida dad badani ku doodaan uma arko askari keliya ee waxa uu iigu muuqdaa dhakhtar khibrad iyo waaya-arag ku ah qalliinka uur-ku-jirta iyo obocda siyaasadda Somaliland iyo mandaqadda gobolka Geeska Afrika.

Waa siyaasi gaadiiday oo ka garaaddo gooyey aqoonta iyo waayaha nololeed ee aan dhalanteedka ahayn ee dalka iyo dadkiisa. Wuxu ula noolaa si sokeeyennimo ah wacaalaheeda iyo kasmo-wadareeddeeda gelinba halkii ay joogtay, tognaan iyo tabnaan, samaan iyo xumaan.

Waxa uu ugxantiisa iyo beerkiisa ku aaminay oo dhigtay waddankiisa. Intii uu aabbe u noqday iyo intii uu awoowe u noqday ba lama abraarin oo badaha kama uu tallaabin oo meel durugsan ma soo dhigan, oo dib kiishado madhan uma soo tollannin, oo lama soo noqon, ee waxa uu ku qallajistay halkii uu isku qooyey oo ah rugtii iyo raaskii hooyadii iyo aabbihii ku dihdeen.

Waa hoggaamiye dadkiisa iyo dalkiisa u yaqaan qof qof iyo degmo degmo. Nolosha dadkiisa la nool oo yaqaan, oo hilaadin kara waxa kaga iman kara, waxa mudnaan kara iyo sida oodo dhacameed u kala sarreeyaan ee loo kala guri karo. Bari iyo Galbeed degmadu way isugu xidhan tahay. Nin Alle yaqaan ah oo u muxaafid ah, adna ku yaqaan oo kula nolol ah ayaa masiirkaaga lagu aamini karaa oo ka arrimin kara.

Waa hoggaamiye go’aan qaadasho leh oo dhiirran, ku dhac leh, oo socodsiin kara siyaasaddiisa, himiladiisa iyo higsigiisa.

Somaliland uma baahna hoggaan jilicsan oo qabiilka iyo qabyaaladdu ka adag yihiin oo aan socodsiin karin xeerka iyo qawaaniinta dawladnimo.

Waa nin laabxaadhan oo badheedhe cad oo Somaliland lagu aamini karo oo aan looga baqayn inuu duurka la xulo ama dalow ka shalwiyo. Lexlojeclo badan baan ku ogahay agtiisa.

Ma dhalliil la’aan karo oo taas waa u aadami, hase yeeshee tabantiisa waxa ka xoog badan oo u daboolaysa togantiisa intaas sare iyo ino kale ba ka mid yihiin.

Waxyaalahaas iyo qaar kale oo la xidhiidha, ayaa iiga dooraya Muuse Biixi Cabdi ragga la loollamaya ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Waxa ii dhowaynaya dareenkayga ku aaddan inuu uga dhow yahay dantii guud ee aan daba socdey. Hadda ma lihi ragga kale ee la tartamayaa u cadow ah dantaas guud. Xaasha uma aha, hase yeeshee Muuse ayaa iigu muuqda inuu kiilo mitirro badan uga sii dhow yahay.

Taas buu ku kasbanayaa taageeradayda af iyo addin ama hiil iyo hoo, oo aan golaha dhexe ee Kulmiye ee xulashada leh sharciyan na, aan ku bogaadin lahaa haddii ay sidiisa u gutaan waajibkaas qaran ee taariikhda baalasheedu u soo haliilayaan in ay diiwaan geliyaan.

 

‘La isku ma jiree, Juun baannu nahay!’

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com  

LEAVE A REPLY