Orod-yahanka Reer Somaliland ee Mo Farah oo ku Guuleystay Markale bilad Dahab ah

0
1021

Orod-yahan_Mo_FarahZURICH,(HargeisaPress) —Orod-yahanka Somaliland ee Mo Farah, laakiise u ciyaara dalka Britain ayaa guulo ka gaadhay tartanka ciyaaraha fudud ee Qaaradda Yurub, isagoo ku guuleysatay laba billadood oo dahab ah.

Farah ayaa ku guuleystay tartanka 5,000 ee mitir kaasoo haatan ka socda magaalada Zurich ee dalka Jarmalka, isagoo noqonaya qofkii labaad taariikhda ciyaaraha fudud ee Yurub oo hal mar ku guuleysta laba billadood oo dahab ah.

Ciyaaryahankan reer Somaliland ayaa la xusuustaa inuu tartankii lagu qabtay London sannadkii 2012-kii uu ku guuleystay laba billadood, kaddib markii uu guulo kasoo hoyay tartamada 10,000 ee mitir iyo kan 5,000 ee mitir, intii ay socdeen ciyaarihii Olombikada Adduunka.

Mo Farah won the men's 5,000m final

MO Farah ayaa Arbacada lasoo dhaafay billadda Dahabka ah ku guuleystay, kaddib markii uu kaalinta koowaad ka galay tartanka orodka ee 10,000 ee mitir, isagoo aad ugu farxay guushaas uu gaaray oo ahayd tii koowaad.

“Tani waxay xoojinaysaa niyaddeyda, waayo waa guul weyn oo aan gaaray,” ayuu yidhi Farah oo aan ka qaybgelin tartankii ciyaaraha fudud ee dalalka Common-wealth loo yaqaan ee sannadkan lagu qabtay magaalada Glasgow.

Farah ayaa ku orday 14:05:83, wuxuuna ka horreeyay orod-yahanka reer Azerbaijan ee Hayle Ibrahimov oo ahaa ninkii ku xigay, halka kaalinta saddexaad uu galay orod-yahanka Andy Vernon.

Bil ka hor ayay ahayd markii uu Mo Farah ay xanuunno soo wajaheen kuwaasoo sababay inuu ka baaqdo ciyaarihii Common-wealth-ka ee dhacay sannadkan.

Orod-yahanka Mo Farah ayaa haatan da’diisu tahay 31-sano, isagoo sheegay inuu sii wadayo ka qaybgalaya ciyaaraha fudud ee caalamka uuna rajeynayo inuu rikoor cusub dhigo ka hor inta aanu ka fadhiisan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY