Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta la Kulmay Ururrada Bulshada Rayidka + SAWIRRO

0
1179

Muqdisho,(HargeisaPress) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan qado ah la qaatay qaybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, isagoo la yeeshay wadatashi ku aaddan qaabka loo wajahayo amniga caasimadda iyo higsiga 2016-ka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood hadallo ka jeediyay kulankan wada-tashiga ah.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka ra’iisul wasaaraha iyo bulshada rayidka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon ee bulshada rayidka ah iyo dowladdu ay u yeelan karaan wada-shaqeyn, iyadoo inta badan su’alaaha laga soo jeediyay ay ahaayeen kuwo u badan howlgallada ay ciidamada amnigu kawadaan Muqdisho. iyadoo xubnihii bulshada rayidka ka socda ay ra’iisul wasaaraha ka codsadeen in la dar-dar-geliyo howlaha xukuumadda, gaar ahaan amniga iyo arurinta hubka sharci-darrada ah ee lagu hayso caasimadda.

Mudane C/weli Sheekh oo kulanka ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib hoosta ka xariiqay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay door muhiim ah siinayso ururada bulshada rayidka ah.

“Urrurada bulshada rayidku waa aasaaska Qaranka, doorkiinu waa muhiim, Xukuumaddu aad iyo aad bay idiin soo dhaweyneysaa. Tallooyinkiinna iyo wada-tashigiina muhiim bay noo tahay, door weyn baad ka cayaari kartaan xal u helidda mushkiladaha jira,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka codsaday in si wadajir ah loogu guntado sidii loo samata-bixin lahaa dalka, balse aan dowladda oo keliya lagu eegan howlaha badan ee yaalla.

“Dowladda, ururada bulshada ryidka iyo shacabka oo isku duuban ayaa ka guuleysan kara cadowga, balse haddii tafaraaruq uu dhaco cadowga ayaa naga guuleysanaya, xukuumaddu waxay qaadanaysaa tallooyinkii muhiimka ah ee aad soo jeediseen,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay howlgallada ay ka wadaan ciidamada amnigu ay magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ku sheegay inay ku saleysan yihiin war-bixinno ay laamaha amnigu ka heleen bulshada, ciidamaduna ay kusoo qabteen howlgal-ladooda hub faro badan oo halis ku ahaa amniga dalka.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here