Madaxweynaha Dalka Koonfurta Suudaan oo Saxeexay Heshiiskii Nabadeed ee uu Horay u Diiday

0
818

JUBA, South Sudan (HargeisaPress) — Madaxweynaha Koofurta Sudan, Salva Kiir ayaa ku saxiixay shalay Magaalada Juba ee xarunta dalkaas heshiis nabadeed oo lagu soo Af-jarayo colaadaha sokeeye ee dalkaas 20-kii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac xoog leh.

Xaflada uu Kiir ku saxiixay heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Madaxweyne ku xigeenka Suudaan, Bakri Saleh Hassan.

Mas’uuliyiin ka socda Qaramada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa iyaguna goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan oo ay soo agaasintay IGAD; iyadoo Beesha Caalamka ay cadaasi ku saartay Salva Kiir inuu saxeexo heshiiskan.

Salva kiir

Heshiiskan ayaa dhigaya in mucaaradka ay si awood-qaybsi ah dowladda ugu biireen, iyadoo Hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas, Reik Machar uu noqonayo Madaxweyne ku xigeen, waxaana ay ahayd Arrimaha uu sida aadka ah uga biyo-diidanaa Salva Kiir, taasoo horay uu ugu dalbaday in muddo 15 maalmood ah la siiyo, si uu ula soo tashato Dowladdiisa.

Sidoo kale, waxaa heshiiskan qodobbadiisa ka mid ah in ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Juba laga saaro, dibna ugu laabtaan dalkooda, kuwaasoo horay u taageerayay ciidamada dowladda Koonfurta Suudaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalal ay ka mid yihiin Mareykanka ayaa dowladda Koofurta Suudaan ugu Hanjabay in haddii ay Xal gaari waayeen labada dhinac lagu soo Rogi doono Cunno-qabateyn.

Ugu dambeyn, Heshiiskan ayaa wuxuu soo af-jari doonaa Dagaallada Sokeeye ee ka socda dalkaas, kaasoo billowday bishii December ee Sannadkii 2013-kii, Xilligaasoo uu dhacay isku day af-gambi la doonayay in xukunka looga tuuro.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here