Safarka madaxweynuhu ma dalxiis iyo damaashaadba mise waa dardargalin iyo dib u eegis!

0
1267

Caawa 06:30 maqrib nimo waxa dib ugusoo laabtay magaalo madaxda dalkan Somaliland madaxweynaha dalka md; axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo maalmihii ugu danbeeyay ku maray safa dheer gobalada bariga dalka.

Safarka oo ujeedadiisu tahay u kuur galida xaalada dhabta ah ee dalka taaso lagu soo indho indhaynaayay mashaariicda shaqo ee gobalada bari iyo heerka xaalada amaan ee ka jirta gobaldaas taasoo lagu ogaanayo xaqiiqda ka jirtay deegaankaas.

Sidoo kale dafarkani waxa uu dardar galin iyo dhiirinba u yahay hawlaha shaqo ee ka socda gobaladaas oo ay ugu horeeyaan dhismaha wadada dheer ee ceerigaabo, dhamaystirka iyo adkaynta aminga goboladan, dhamaystirka dayactirka ka socda wadooyinkii burburay oo dibu u habayn ka socotay bilihii ugu danbeeyay.

Safar marka lasoo hadal qaado waxaan dareemaysaa in ay tahay socdaal aad kaga tagayso meel adiguu ku aadan meel kale, mudodaas waxaad maraysaa diihaal, daal, daranyo, hurdo la’aan, kallah, guuro gal, iyo inaad nasan waydo taasina sidaynu wada ognahay cid ku raaxaysataa ma jirto maadaama oo safarkaasi yahay mid aad qabanayso shaqooyin ee aanu ahay mid nasasho.

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxa uu madaxweynuhu baxay sadex safar oo kani yahay kii ku sadexaad kuwaaso kala ahaa kii xeebta ee lagu maray magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan xeebta badda ee dalka, ka kalena waxa uu ahaa kuu ku teedsanaa xuduudka ay la leenahay dalalka kala ah Djibouti iyo Ethiopia iyo Somalia, ssfaradan sidaynu wada ognahayba u badnaa qaar xadhiga lagaga jaray mashaariic ay dawladu fulisay iyo sidoo kale dhagax dhig laga sameeyay mashaariic cusub oo laga hir galin doona ayaa ahaa harumar ay ku talaabsatay dawlada uu hogaanka u yahay madaxweyn siilaanyo.

Hadaba waxa alle mahadii ah in madaxweyne axmed maxamed siilaanyo la xusi doona lana xasuusan doona marwalba oo la eego horumarka iyo hagida qaranka taasoo ay tahay in la mahadiyo harumarka socda ayna haboontahay in loogu magacdaro dawlada haatan talada dalka hays “dawladii horumarka wadooyinka”.

Waxa sidoo kale aanad indha ka qarsan karay waxqabadka dhabta ah ee la hirgaliyay mudadii 5ta sano ahayd ee lasoo dhaafay taasoo aanan awoodin inaan kusoo kobo hal maqaal iyo wax la mida, hadaynu u noqono waxay dib u akhrin karna buuga waxqabadka xukuumada ee sanadlaha ah oo aynu meelkasta ka heli karno.

Waxaan leeyahay indhihii aragsanee ildheerbaa arka oo ogaado wixii qqabsoomay ee qaranku gaadhay, kuwii bukaana waligood arki maayaan xataa hadii diirado loo xidho ama si kastaba loogu sheego.

 

Qalinkii: axmed naasir
axmed.naasiir@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here